Connect with us

somalilandtoday.com

Xasaradda Ka Taagan Venezuela Oo Cirka Mareysa

focus

Xasaradda Ka Taagan Venezuela Oo Cirka Mareysa

(SLT-Venezuela)-Wararka laga helayo dalkaasi Venezuela ayaa sheegaya in koox dadka asal ahaan ka soo jeeda Venezuela ay isku dhaceen ciidammada ammaanka ee uu soo amray madaxweyne Nicolas Maduro – kuwaasoo isku dayayay inay ka hortagaan gargaar ka soo gala xadka Brazil.

Hoggaamiyaha mucaaradka Juan Guaido, oo isagu bishii hore isku magacaabay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi, Mareykankuna uu u sacabba tumay, ayaa sheegay inuu doonayo in gargaar ka socda Mareykanka iyo mid caalami ah la geeyo dalkaasi.

Waa tallaabo uu madaxweyne Maduro hore u diiday, isagoo dafiraya in xasarad bani`aadannimo ay dalkiisa ka jirto.

Dhanka kale, Xadka Venezuela uu la wadaago dalka Colombia, tobnaan kun oo qof ayaa ka qayb galay isu imaatin uu soo qaban qaabiyay bilyaneerka Richard Branson.

Madaxweynayaasha Chile iyo Colombia ayaa ka soo qayb galay. Isu imaatin kale oo uu meel halkaasi 300m u jirta uu ka soo abaabulay madaxweyne Nicolas Maduro ayaysan dad badan ka qayb galin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top