Connect with us

somalilandtoday.com

Somaaliya Waxay Ku Sii Siqaysa Jidkii Burburka. By: Cabdi Sulux

Articles

Somaaliya Waxay Ku Sii Siqaysa Jidkii Burburka. By: Cabdi Sulux

Dalka Somalia oo ay jaarka yihiin Jamhuuriyadda Somaliland, hadda yuunbey cagta saartey dhabadii keli taliska . Waxa cadaatey in ay Somali ku socoto wadadii jabka , halaaga iyo Burburka. Waxa aynu maqleeney ilaa intii ay timid dawladaa uu gadhwadeenka yahey farmaajo dhacdooyin, dadnimada , biniaadinimadaba iyo muslinimadaba ka baxsan , Ha ugu sii xanuun iyo xumaan badnaato arintii Abdikarin qalbi dhagaxa loogu dhiibey Xabashida , arintaas oo in uun qof damiir islaami ku jiraa aanu sameyn kareyn sida loo qabtey iyo cida loo adeegsadey , waa dhacdo inoo cadeyneysa waxa ay dawlada farmaajo tahey , waana dhacado inta damiirka fayo lahi ku reebeysa xanuun aan laga bugsan . Arinta ka sii darani waxa uu Abdikarim ah sarkaal ka tirsanaan jirey ciidan kii somaaliya kana qeyb galey dagaalkii 1977 . Dalkii uu naftiisa u hurey ayaa cadw gacanta u geliyey . Arinta ay dawlada ku kacdaaba nuqsaan bey ku tahey umada somaliyeed meel ay joogtaba .

Waxa ay dawladani isku dayeysaa in ay cidwalba oo waxa fahmeysaba ay indhaha karido , gaar ahaan cida fahmeysa waxa uu soo wato sida maamul goboladii , barlamaanka siyaasiyinta iyo xataa gancastada . Waxa ilaa hada gacanta ku dhigtey heyadihii kala madaxa banaana sida garsoorka iyo sharcidajinta . waxa aynu lasoconaa wixii kadhacey beydhaba oo dad shacab ah xabashidu ku xasuuqdey isla markaan umadii reer beydhabo dusha lagag keeney musharax aney dooneyn halka kii ay doonayeena si diinta iyo somaalinimada kabaxsan loo xidhey iyada oo ciidama xabashi ah loo adeegsanayo . waxa kale aynu ognahey sida Galmudug loo dulkeeney nin dawladu wataan in kasta aney u suurta gelin arintaasi waxa ay ahyd si loola dagaalamey Madaxaweyn Xeef . Waxa kale aan ognahey sidii loo afganbeyey Hirshabeele . waxa dawlada uu gadhwadeen ka yahey farmaajo waxa ay ku mashquul santahey ladagaalanka umada soomaaliyeed si uu u helo maamul uu awoodisa aan cidi la qeybsan sida uu doonna kayeelo . waxaanu kula dagalamayaa dumuqradiyada . Farmaajo ugamatagi doono talada dalka sidii Shiikh Shriif iyo Hassan shiikh uga tageen ee waxa uu uga tegayaa sidii Siyad barre markii uu umada wixii uu galaafan karaayo galaafto uu uga tegey .Waxa aynu ogeyn halka la mariyey jawaari , waxa aynu kale ognahey in mursal uu tarwadhey markii la bahdiley ee loo hanjabey oo uu noqdey qolf madhan oo aan ciidan ku jirin . Maamulkani waxa uu waxa badan kashaabaha maamulkii somaali cabudhiyey bahdiley , xasuuqey ee dabadeena ay afrta beynu jaha Somalia ukala yaacadey .

Waxa ahyd in ay somaalidu ka digtoonaato cidanbe oo kelidii talis ah laakiin waxa aad moodaa maahmahdii ahyd ilwshiin ya dhawaa ma umul baa sikastaba ha ahaate waxey u gashey talis danbe oo kala qeybinta iyo xasuuq ku xeeldheer . Waxa meesha ka baxadey dumuqraadiyadii ay labadii madaxweyne ee shiriif iyo xasan shiikh so barbaariyeen . Waxa ay somaaliya fooda saartey in ay gobolgobol , degmo degmo u kala goaan oo Moqdisha iyo shanta maamul goboleed isku basbeelaan dabadeedna midba goonidiisa uu maamul u gaar ah u yagleelaan oo aan dib leysu aminin .

By: Cabdi Sulux. Birmingham/UK

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top