Connect with us

somalilandtoday.com

Shabaab Iyo Daacish Oo Ku Dagaallamay Deegaanka Ka Tirsan Maamulka Puntland

focus

Shabaab Iyo Daacish Oo Ku Dagaallamay Deegaanka Ka Tirsan Maamulka Puntland

(SLT-Boosaaso)-Warka ka imaanaya deegaanka Dhaadaar ee gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in uu dagaal ku dhex maray tuulada Afgaraar maleeshiyaadka Daacish iyo Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen.

Waxa lagu soo waramayaa in dhinacyada halkaas ku dagaalamayay ay jareen isgaarsiinta deegaannadaas, balse dadka ku nool deegaamada ka durugsan goobaha uu dagaal ka socda ayaa sheegaya inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hugunka qoryaha garbaha laga tuuro oo ay dhinacyadu is-weydaarsanayeen.

Halka ay ku dagaalamayaan labada kooxood ayaa ah dhul buuralley ah oo dhinaca bari ka xigta magaalada Boosaaso qiyaastii 80 km. Mana jirto illaa iyo hadda cid si rasmi ah u sheegi karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Waa markii saddexaad ee uu dagaal ku dhex maro agagaarka deegaanka Dhaadaar labada dhinac ee Daacish iyo Al-Shabaab. Maamulka Puntland ayaan wali dagaalkaasi ka hadlin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top