Connect with us

somalilandtoday.com

Caqabadaha uu curinayo madaxweyne muse bixi cabdi/Qalinkii Maxamed Cismaan

Articles

Caqabadaha uu curinayo madaxweyne muse bixi cabdi/Qalinkii Maxamed Cismaan

Burco:(SL-T) Caqabadaha uu curinayo madaxweyne muse bixi cabdi

Inta la socota xaalada ay ku jirto Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland waxay dareemayaan cabsi ku aadan Mustaqbalka Somaliland. Madaxweyne Muuse biixi cabdi intii uu talada gacanta ku hayay Bulshada jecel jiritaanka Qaranimada Somaliland waxay ka dareemayeen madaxweynaha caqabado uu samaysanayo kuwasoo Bushada jahwareer aan la garanayn ku riday. Hadaynu qaar kamid ah soo qaadano madaxweyne muuse socdalkiisii gobaladda beri, gobolada qaar kood wuxuu Bulshada xasuusinayay xanaftii laga soo gudbay, tasoo dhalisay doorashadii uu kursiga ku fadhiistay, arinkasoo ku ah caqabad horumarka ay higsanayso Somaliland, Somaliland Bushada ku nool waxay ku haminayeen in Somaliland lawada leeyahay laga shaqaynaayo, balse waxaa soo baxaya Somaliland laka leeyahay taasina waa caqabadaha ay leedahay dowlad xumadu. Waxaa kaloo jira in wasiirka maaliyada Somaliland sheegay dayn gaaraysa 80million oo dollar ay wareejisay xukuumadii hore, wuxuu kaloo sheegay in beyska berbera airport aan la kirayn, wuxuu kaloo sheegay dhaqaalihii yaraa ee lagula heshiiyay shirkada DPWORLD sanadkan 2019 lasii qaatay, intaasiba madaxweyne muuse si kale ayuu uga hadlay, Bulshadana waxay is waydinaysaa caqabadahan jira ma madaxweynaha ayaa ugu tala galay mise halku dhigii ahaa HORAA LOO SOCONAYAA ayaa sidaa ah. Dulucda qoraalkaygan wuxuu yahay Bulshadan waxaa soo food saartay biyo la’aan iyo gaajo sida ay shegeen hay’addaha afooyinka iyo hay’adda dib u dejinta qaranka, arinkaana waxaa garab socda dabaaldega uu ku jiro xisbul xaakimka kulmiye kasoo lagu donaayo in majaraha la waydaariyo siyaasiyin si wayn loo hadal hayo, Guntii iyo gunaanadka ka madaxweyne mustaqbal ahaan waxaan usoo jeedinayaa madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland inuu bulshadiisa dhibaataysan hoos u eego, waqtiyada aanan munaasabka ahayn dabaal degyada la joojiyo, kala shakiga iyo is aamin la’aantana meesha laga saaro, lagana shaqeeyo Somaliland garbaha lawada hayo.

Qalinkii Maxamed Cismaan Xaaji

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top