Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Ka Hadashay Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Abiye Axmed

focus

Soomaaliya Oo Ka Hadashay Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Abiye Axmed

(SLT-Hargeysa)-Dawladda Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saartay kulan shalay dhex-maray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abey Axmed.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay soo dhawaynayso, islamarkaana bogaadineyso in Somaliland iyo dowladda federaalka ay wada shaqayn dhow yeeshaan.

War-qoraalka Villa Somaliya wuxuu u qoraan sidatan:

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay bogaadineysaa sida Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Mudane Biixi Cabdi uu u aqbalay in Maamulkiisa iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wada shaqeyn dhaw yeeshaan.

Dowladdu waxay u aragtaa in tallaabo wanaagsan hore loo qaaday, waxayna xoojineynaa aqbalaadda Madaxweyne Biixi, iyada oo diyaar u ah in ay ka miro dhaliso wada shaqeyntaas.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dhiirrigelinaysaa dadaalka uu wado Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed oo muujiyay sida ay uga go’antahay dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika oo ay Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritreeya hormuudka ka yihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u taagantahay sidii hore loogu sii wadi lahaa wada hadallada xoojinaaya wadashaqeynta, loona abuuri lahaa jawi wanaagsan iyo horumar.
Dhan kale Somaliland wali kama hadal warkan qoraalka ah ee ay Soomaaliya soo saartay, balse waxa loo dhig-taagayaa jawaabta ay ka bixiso xukuumadda Somaliland.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top