Connect with us

somalilandtoday.com

Macluumaad Ku Saabsan Ganacsiga Olineka ah … Qore Engr Abdifatah jama

Articles

Macluumaad Ku Saabsan Ganacsiga Olineka ah … Qore Engr Abdifatah jama

Macluumaad ku Saabsan online.
Ganacsiga Online..


Markaa aad bilaabayso maaha mid sahlan waa Shaqo aad u adag oo uu ka baxo qof ama Group dhiiran oo adag oo maskax adeegsnaya .
1.Aaminaad:–
→Waxaad u baahan tahay in Lagu Aamino
Shayga aaminaada la yidhaana waa shay aad u muhiima waxa La Rabaa In qof kasta ku aamino adigaana ka kasbanaya,markaad u qabato hawshu uu kaa soo dalbaday sida ugu fiican.
2.Adeeg:–
→Qofku inuu adeega uu kaa soo dalbado aad sidiisa ugu fuliso hadiiba aad

haysaan hadii aydaan haynina aad u sheegtaan wakhtiga la helayo ama la keenayo,hadii uu qof kaasi lacagta soo diro oo aydaan haynin Alaabta uu ka soo dalbaday waa inaad u celisaa sida ugu dhakhsaha badan waayo Aaminada uu idinku Qabay Ay Kor Ugu Sii Qaadmaysa.
3.Dedegsiimo delivery :–
→Wakhtiga aad la balanto inaad u Qaado shayga ama Alaabta uu kaa soo dalbaday sida ugu macquulsan Una sheegto Saacada iyo wakhtiga ay Soo gaadhayso.
4-Qancinta macmiilka.
Inaad iska war haysaan hadiiba call center laydinka soo wacayo Ama whatsapp Ama Facebook page ama website online chat,ama message email inaad iska war haysaan oo aad Oo wada shaqayn baaxad leh idinka dhaxayso.
5.dalbashada websiteka Macluumaad kusaabsan .
Website Alaabta marka Laga soo dalbanayo maaha wax si fudud lagu dalban karo isku daya inaad websiteka u samaysaan luuqadaha ha ugu horeeyaan Somali,Arabic, English sadexdaa object waa inaad ku dartaa in Uu Website isku badalo marka wax laga dalbanayo qof kastaana luuqada uu fahmayo wax ku dalbado ,inataasi waa guud mar aan hal iyo laba qodob oo kale kuugu daro 1.Tusaale alaabta qofku arka uu soo dalbanayo waa inaad Website kaaga ka dhigtaa mid su fudud salada ama (cart) loogu iibsan karo hal page inaad ku koobtaano waa mid aad u wanaagsan .si qofku hal mar u dalbado waxa uu doonayo,una Fududaato.
6:Dalbashada whatsapp ka :-
Qofku inuu idinka dalbado alaab Waa shayga aad u baahan tihiin Tusaale dadku mawada fahmayaan in Aqoon u leh mooyaane inay website wax ka iibsato balse hadiiba qofku isku dayo inuu alaab iibsado uuna ka iibsado whatsapp ka waa inaad soo dhawaysaa sida ugu haboon Una Fududeyso hadiiba uu ka iibsan karayn website inaad hagto waa mida ugu fiican hadiiba aanu fahmayna inaad waafajisaan oo aad buuxbuuxisaan idinku ayaa laydinka Rabaa Alaabtiina aad macmiilka kaga iibisaan whatsapp ka uu garanayo intuu idinla waadago waxa uu ka Rabo websiteka .
7: Celinta Lacagta Hadii macmiilku ka maarmo (RE funds):-
marka laga dalbnayo Website oo uu macmiilkii dalbado lacagtiina uu soo diro ka dibna uu ka maarmo maaha in aad macmiilka qasabtaan oo aad tidhaahdaan Terms of Conditionka ayay ku jirtay shardigaasi ee soo cancel garee ka dibna lacagta aanu kuu soo celino qodabkan inaad ka taxadirtaa waa mid aad U fiican waayo dadbaan garanayn sida loo cancel garaynayo Itemkii ay Dalbadeen hadiiba laga fursan waayo inaad tidhaa xarunta noogu kaalay anagaa kuu cancel garynayna ka dibna lacagtaada kuu celinayna ama call centerka naga soo wac anaga ku hagayna,waa habka Macmiilka aad ku ilaasgan karto.
8: Qiimaha :-
Qiimaha aad macmiilka wax kaga iibinaysaan waa inuu noqdaa ka saxda ah ee ku dul qoran Alaabta Wajiyo Badana inuu Yeesho sida laba qiimo oo kuwada qorma waa Muhiim Inaad Ka ilaaliso.
9: Discount:-
Waa inaad macmiilka u sheegto sida uu discount ku helayaa inay Tahay inuu lamabarkiisa ama email kiisa soo qoro iyo Alaabta uu dalbanayo ka dibna cord discount Oo Alaab kasta Qiimo leedahay oo idiin diyaarsan aad ku tidhaahdaan halkaas loogu Tala galay gali discount sidaas ayuu kaaga go’ayaa macmiil.
10: Hadyada aad bixinaysaan:-
Hadiiba aad hadyad bixinaysaan waa inay noqotaa mid ah sida aad macmiilka ugu sheegteen oo aydaan marka uu uu helo ama aad bonus ku siinaysaan Qiimaha ay hadyadu Tahay in aydaan ka badalin oo aydaan hadhow odhan Tan ayaad ku Guuleystay si aad u kasbato macmiilka waa inaad siisaa Ta xaqa uu u lee yahay.
Iyo Macluumaad kale oo badan
Wabilahi Tawfiiq
Dhamaad.
Qore Engr Abdifatah jama
Date 21-02-2019
Email id Sircabdifataxj@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

Advertisement

Feaured

To Top