Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Digniinti Ugu Dambeysay U Diray Kooxda Daacish

focus

Mareykanka Oo Digniinti Ugu Dambeysay U Diray Kooxda Daacish

(SLT-Washington)-Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuriya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono.

Baabuur badan oo ah kuwa xamuulka ayaa Talaadadi shalay la geeyay nawaaxiga tuulada Baghouz ee dalka Suuriya si loogu daadgureeyo dagaalyahannada Daacish ee dagaalka ka baxa iyo qoysaskooda.

Ciidamada Mareykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weeraradi doonaan Baghouz marka laga daadgureeyo dadka rayidka ah.

Laakin saraakiisha dhinaca xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan ilaa iyo 200 oo qoys ku xanniban deegaankaasi. Waxay sheegeen in dagaalyahannada Daacish ee ku haray Baghouz ay diideen in carruurta iyo dumarka ay ka baxaan halkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top