Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Warshad Hubka Nuclearka Ah Sameysa Oo Balaayiin Dollar Ku Kacaysa Ka Dhisaya Dalka Sacuudiga

focus

Maraykanka Warshad Hubka Nuclearka Ah Sameysa Oo Balaayiin Dollar Ku Kacaysa Ka Dhisaya Dalka Sacuudiga

(SLT-Washington)-Saraakiil sarsare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa dabada ka waday qorshe warshad hubka nuclearka ah sameysa, oo balaayiin dollar ku kacayso, lagaga dhiso dalka Sacuudi Careebiya. Saraakiishan ayaa sidoo kale doonayey in Maraykanku uu Sacuudiga la wadaago aqoonta teknolojiga nuclearka, iyada oo xitaa ay digniin bixinayeen saraakiisha amniga iyo kuwa anshaxa ee Maraykanku. Warkan waxaa laga soo xigtay warbixin cusub oo laga helay congresska Maraykanka.

Warbixintan oo Talaadadii shalay ka soo baxday Guddi hoosaaska Kormeerka ee Aqalka Hoose ee Congresska oo hadda Dimoqraadigu uu hogaamiyo ayaa lagu sheegay in La-taliyihii hore ee Aminga Qaranka Micheal Flynn iyo labo kalkaaliye oo uu lahaa ay iska dhago tireen digniino is-xigxigay oo sheegayey in dadaaladoodu ay jabinayeen sharciyada Maraykankan.

Mudanayaasha labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ayaa welwel ka muujiyey in Sacuudigu uu hub nuclearka ah sameysan karo, haddii Maraykanku uu teknolojiga u gudbiyo iyada oo aan kormeer habboon lagu sameynin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top