Lama oga ajandayaasha kulankan lagaga hadli doono hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa hore ugu eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu cunoqabatayn dhinac walba ah ku hayo Somaliland.
Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed xilli uu ka qeybgalayay Shir Madaxeedka Ururka Midowga Afrika.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa la filayaa in uu maanta u safro magaalada Addis Ababa, kaddib markii uu martiqaad uu u soo diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Dalalka Turkiga, Jabuuti iyo Britian ayaa hore u waday dadaalada lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo shirar lagu qabtay dalalkaas.