Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkadda DP World Oo Saddex Wiish Ku Soo Kordhisay Dekedda Berbera

focus

Shirkadda DP World Oo Saddex Wiish Ku Soo Kordhisay Dekedda Berbera

(SLT-Hargeysa)-Shirkadda DP World ayaa maanta marsadda Berbera ku soo kordhisay saddex Wiish oo cusub oo loogu talogalay hawlaha Rarista iyo rogista baddeecadaha ku soo xidha dekeddaas.

Cali Xasan Cali (Cawaale) oo ka tirsan Guddida Agaasinka Dekedda Berbera, ayaa tilmaamay in labadii sannadood ee u dambeeyey ay dekeddu ku tallaabsatay horumar ballaadhan, gaar ahaan dhinaca tababarida shaqaalaha iyo qalabka dekeddu ku shaqeyso. Waxaanu intaas ku daray in la geliyey dekedda Berbera lacag gaadhaysa 17 Milyan oo doolar.

Cali Xasan waxa kaloo uu tilmaamay in saddexdan wiish ay kor u qaadi doonaan saacadaha dekeddu shaqeyso xiligga xagaaga waxaanu xusay inay hore u shaqeyn jireen 12 saacadood, imikase ay shaqeyn karaan illaa 22 saacadood.

Sidoo kalena wuxuu caddeeyey in saddexdan wiish ay ku baxday 10 milyan iyo 400 oo kun oo doolar, isla markaana ay cusub yihiin.

Maareeye ku-xigeenka Dekedda Berbera Cabdilaahi Cabdi Xasan-mataan ayaa sheegay in qalabkan cusub ee dekedda lagu soo kordhiyey uu wax weyn ka tarayo horumarinta adeegyada marsadda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top