Connect with us

somalilandtoday.com

“Madaxweyne Farmaajo Ficiladiisa Hogaamineed Waxaa Ka Muuqda Aqoon-darro Siyaasadeed Waayo Arag La’aan Iyo Kali-talisnimo U Horseedi Karta…” Cali Warancadde

focus

“Madaxweyne Farmaajo Ficiladiisa Hogaamineed Waxaa Ka Muuqda Aqoon-darro Siyaasadeed Waayo Arag La’aan Iyo Kali-talisnimo U Horseedi Karta…” Cali Warancadde

(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa waxa uu ka hadlay hoggaaminta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo .


Siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde ayaa qoraal uu arrintaa kaga hadlay soo gaadhsiiyay warbaahinta Somalilandtoday waxa uu ku yidhi sida tan:


Farmaajo oo Soomaaliya U Horseeday dariiqii Halista Cagaaran.

Waxaa hubaal Ah in Madaxweyne Farmaajo u muuqdo Nin Ku Haftay Siyaasada Hogaamineed ee uu madaxda ka ahaa isla markaana u muuqdo nin aan u madaxbanaaneyn tallada dalka uu madaxweynaha ka yahay.

Marka la eego daalaa dhaca ku yimid siyaasada arrimaha gudaha iyo dibada ee soomaaliya.

Madaxweyne farmaajo ficiladiisa hogaamineed waxaa ka muuqda aqoon daro siyaasadeed waayo arag la,aan iyo kali-talisnimo U horseedi karta dalkaasi burbur iyo hadimo fool xun.

Sommaliya waxay maanta u baahan tahay in la badbaadiyo inta aan meel dheer laga doonin waxaana badbaado ugu dhow mooshinka ay Farmaajo ka keenen golaha shacabku.

Waxaase ayaan darro labaad iyo laf-jab ku noqon karta shacabka reer soomaaliya ee dhibaatadu dul hoganeyso haddii mooshinka golaha shacabku keenay uu isu badalo mooshin hunguriyeed sidii caadada u ahaan jirtay xubnaha golaha shacabka ee soomaaliya.

Waxaana la gudboon golahan in ay shacabkooda u muujiyaan daacadnimo oo dalka ka badbaadiyaan halista soo food saartay.

Qoraa:- Cali Warancade

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top