Connect with us

somalilandtoday.com

Arrinta Kenya iyo Somalia Ma ka khuseeya Somaliland?..W/Q Cali Xasan Cawaale

Articles

Arrinta Kenya iyo Somalia Ma ka khuseeya Somaliland?..W/Q Cali Xasan Cawaale

Runti arrinta ka dhex aloosan Dawladaha Kenya Iyo Somalia,Waa arrin u talaa ama ka dhaxaysa labada dal iyo labada dawladood. balse uma taalo mana khusayso Somaliland iyo bulshadadeeda.

Sidaa awadeed waa ayaan daro in qaybo ka mida bulshada somaliland ay kaga hadlaan social mediah iyo warbaahinta kalaba, arrintan khusaysa Labada wadan.

dhinaca kale waxa nasiib daro ah in bulshadeenu ay ay waxaan dad ahaan iyo dal ahaan dani ugu jirin ay ku dhawacaan xidhiidhka ay la leeyihiin dalalka kale ee caalmka .

Ugu danbeyn Bulshada somaliland midhban leeyahay, Dawladana midhban leeyahay.

Bulshada somaliland waxan leeyahay

Dadka somaliyeed Waa wada walaalo, wana daris, laakin wa in aad ogaataan in dadka somaliyeed kala yihiin dalal iyo dawlado, isla markaana dalkasta iyo dawlad kastaa xidhiidho siyaasadeed mid daneed, intaba la leedahay dalal.kale iyo duwalka caalamkaba,
hadaba waxa ogaatan in dal kasta oo somaliyeed iyo dadkiisuba waxay si aan qarsoonayn u difaacayan una ilaashanayan danaha iyo xidhiidhada ay la leeyihiin dalaka kale iyo duwalka calamkaba.
Marka sida dalalka kale ee somaliyeed iyo dadkooduba u ilaashamaya danahooda gaar ahaaneed, mid xidhiidh iyo mid daneedba Waxa muhiim ah in bulshadeea reer somaliland si lamida sidaa walaahooda kale u ilaashadaan danahooda dal ahaan iyo dad ahaanba. balse ayna dan dalkale u lumin danta dalkooda.

Xukuumadana waxan leeyahy fadlan bulshada arrimaha noocan oo kale ah u ishaara ka hor inta anay aragti ku lidi ah danta dalka iyo dadka uga bixin.

tusaale, hada waxa is khilaafaya aragtida bulshada somaliland ka bixinayso mawduucan, iyo ta xukuumadu ka qabto, ama ka tidhi mawduucan taasina wa laga wanagsanyahay.

dhinaca kale halkan ka taaganahay aragti ahaan ilama haboona in saxaafada somaliland ka hawlgasha inay mawduucyadan siyaasadeed ee ka baxsan dalkeena ama aan dad ahaan iyo dal ahaan midna ina khusayn in ay aragti ka weydiiso bulshada wago dee maba khusaysaba.

Axya Wadani Hala Baraarugo. Danta dalkeena iyo dadkeena aya mid walba ka horaysa Marka afcaasheena iyo aragtideenuba wa in ay dabakhda danaheena.

Wa bilaahi tawfiiq.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top