Connect with us

somalilandtoday.com

Muwaadin Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Waddanka Koonfur Afrika

focus

Muwaadin Soomaali Ah Oo Xalay Lagu Dilay Waddanka Koonfur Afrika

(SLT-Port Elizabethe)-Kooxo budhcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay Magaalada Port Elizabethe ee wadanka Koonfur Afrika waxa ay ku dileen Muwaadin Soomaali ah oo kamid ahaa dadka ganacsiga ku leh dalkaasi.

Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo New Brighton ee Magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape, isla markaana rag budhcad oo hubeysan ay toogteen Muwaadinka Soomaaliyeed, xilli uu saarnaa gaadhi uu watay.

Allaha u naxariistee Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim,waxaana uu kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika,iyadoo ragii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Inta badan Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhaca dilal kala duwan, kuwaasi oo loogu geysto Muwaadiniinta Soomaalida ah ee halkaasi ku ganacsata, waxaana Sanadkaan cusub ee 2019 gudihiisa lagu dilay dalkaasi dhowr qof oo Soomaali ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top