“Anigoo Heeganka ku qoran xarunta ciidanka ee MIISKA SARAAKIISHA ee magaalada Hargeysa ayaa waxa xeradii soo gashay gabadh waxana ay la istaagtay nin ka mida ciidanka meesha ku sugnaa oo ay wada hadal bilaabeen iyagoo hadal kii wada ayaa uu ninkii mar kaliya bahal dhibaxo ah kaga soo gooyey inantii mise haddana ku dhuftay mid kale qof walbaaba yaab la joojiyey wixii uu gacanta ku hayey, sarkaal aan meesha ka fogeyn ayaa kusoo dhaqaaqay oo askarigii dhibaaxo ku bilaabay.
Intaa ka dib inantii oo ooyaysa ayaa ninkii isku
duubtay oo tidhi “Alla walaal ka daa tiisu waxba ima yeelaysee”.
Wuxuu yidhi XASAN Ganey “aadbaan ula yaabay arinkaa gabadha iyo askariga dhexmartay iyo inta uu leegyahay iyo halka uu ninku ka joogo maadaama uu dhibaaxo la dhacay meel la wadda arkaayo iyadoo gabadh soomaaliyeeda iyo sida ay iyadu boholyowga , kalgacalkeedu yahay iyadoo uu u quudhay inuu ku dhirbaaxo dad hortii ku dhufto haddana iyadu way ka xanuunsatay oo ay ka damqatay dhirbaaxada isaga la gu dhuftay”.
Taasina waxay abwaanka isla goobtii kusoo dedejisay maankiisii miida malabka suugaantu kasoo dhibiq-tifi jirtey maansada nuuxnuuxsi oo ka hadlaysa qofka wax jeceli inuu marwalba daranyahay haduu ka kale necebyahay xataa.
Qofkaasina aanu nacas ahayn lkn uu la darsey wax awoodiisa ka weyn oo aanu xukumi karin oo ah boholyow caashaqa oo wax aanu qofku iska yeelyeelin.