(SLT-Hargeysa)-Haddaba waxaynu war-bixinta ku eegaynaa Guddiyadii soo maray Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo doorashooyinkiii ay qabteen sidii ay u maamuleen, kuwii uu muranku ka dhashay iyo intii ay hayeen xilka
1)- Komishankii Doorashooyinka Somaliland Ee Ugu Horeeyey . Guddidii ugu horaysay ee Doorashooyinka Somaliland ayaa la aasaasay sanadkii 2002dii, kuwaas oo dalka ka qabtay Doorashooyinkii ugu horeeyey ee hal qof iyo hal cod ahaa ee abid Somaliland ka dhaca,iyagoo sanadkii 2002-qabtay Doorashadii Golaha deegaanka Somaliland ee ugu horaysa,waxaanay sidoo kale ay dalka qabteen Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee sanadkii 2003-kii dalka ka dhacday, taasi oo uu ku guulaystay Madaxweyne Rayaale Komishankaa ugu horeeyey ee Doorashooyinka Somaliland,waxa kale oo ay dalka ka qabteen Doorashadii ugu horaysay ee Golaha Wakiillada, taasi oo dalka ka qabsoontay sanadkii 2005-tii.
Doorashadii Ay Garsooreen Komishankaasi Iyo Murankii Ka Dhashay.
Sanadkii 2003-dii waxa dalka ka qabsoontay Doorashadii ugu horaysay ee Madaxtooyadda Somaliland, taasi oo ay ku tartamayeen saddex Musharax oo kala ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale oo u ordayey Xisbigii UDUB, Ex Maxaweyne Axmed Siilaanyo oo u tartamayey Xisbiga KULMIYE iyo Faysal Cali Waraabe oo UCID u baratamayay, waxaana Guddidaasi shaaciyeen inuu ku adkaaday Doorashadaasi Madaxweyne Rayaale oo xilka hayey kana sharaxnaa UDUB, balse Xisbiga KULMIYE ayaa ku dooday in lagaga shubtay,waxaana halkaasi ka dhashay muran la xidhiidha doorashadaasi, kaasi oo aan sii riiq dheeraan ee la xaliyey maalmo yar ka dib, waxaana xusid mudan in Axmed Siilaanyo iyo KULMIYE ay haneeyeen kursigaa. Waxaanu Komishanka xilkiisu ku eeka 2002-2007.
2)-Guddidii Labaad Ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland . Guddidii labaad ee Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa nasiib darro is casilay muddo yar markii ay xilka hayeen sanadkii 2008, ka dib markii uu raad ku yeeshay muran u dhaxeeyey Xisbiyada oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka khaasatan doorashadii Madaxtooyadda oo dhawr jeer uu ku yimi dib u dhac 3)- Komishankii Saddexaad Ee Doorashooyinka Somaliland
Komishankii saddexad ee soo maray Somaliland, ayaa la dhissay 19 October 2009, kuwaas oo dalka ka qabtay Doorashadii Madaxtooyada ee 2010-kii dalka ka qabsoontay , taasi oo lagu ammaanay hanaanka ay u maamuleen iyo qaabkii ay u dhacday.
Waxa kale oo ay Komishankaasi maamuleen doorashadii golayaasha deegaanka ee sanadkii 2012kii ka dhacday , taasi oo aan lagu amaanin qaabka ay umaamuleen, iyadoo lagu eedeeyey inay la gacan togaaleeyey, waxaana ka abuurbay buuq iyo mudaharaado magaalooyinka dalka ka dhacay oo sababay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh. 4 Komishankii afraad Ee Doorashooyinka Somaliland
Guddida Doorashooyinka Somaliland ee afaraad oo ah Komishanka hadda jooga ayaa lagu dhawaaqay 7 October 2014, waxaanay dalka ka qabteen hal doorasho , taasi oo ahayd Doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee sanad 2017kii dalka ka qabsoontay, taasi oo uu ka dhashay muran iyo mudahaaraad-yo ka dhacay magaalooyinka dalka qaar oo sababay khasaare naf iyo meel-ba leh, waxaana lagu eedeeyey in aanay u maamulin doorashada si dhex ah oo ay ku shubasho jirtay.
Doorashada ay maamuleen Komishanka hadda jooga ee dalka ka dhacday 2017, waxay reebtay muran riiq dheeraaday iyo xanaf ilaa hadda taagan oo sababtay kala qaybsanaan Bulsho, waxa kale oo xusid mudan inuu xisbiga WADDANI sheegay in aanu gelayn doorasho ay hagayaan Komishanka hadda joogaa.
Muranka u dhexeeya Xisbiyada ee ku aaddan Komishanka waxa uu sababay inay dib u dhacdo doorashadii golayaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la filayey inay dalka ka qabsoonto Bisha fooda inagu soo haysa ee Maarij, balse murankaa awgii dib ay ugu dhigeen Golaha guurtidu ilaa bisha 12 ee isla sanadka 2019-ka , waxaanu xusid mudan inuu wakhtigoodu dhacayo Komishankan 29 bisha 11 ee sanadkan 2019ka .
Muranka guddidan hadheeyay ayaa laga cabsi qaba in uu mar kale dib u dhigo doorashooyinka soo socda taas oo sumcadda Somaliland iyo cilaaqaadka ay beesha caalamka la leedahay halis gelin karta. Dadka siyaasadda odorosa ayaa sida ugu dhaw ee arrintan lagu xallin kara tahay Komishanka oo iscasila, islamarkaana xisbiyadu ka wada hadlaan dhismaha guddi cusub oo dardar gelisa doorashada maaddaama kala dirista guddidan lagu kala aragti duwan yahay.