Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda KENYA Oo War Cusub Oo Ka Duwan Ka Soo Saartay Xidhiidhka Soomaliya.

focus

Dawladda KENYA Oo War Cusub Oo Ka Duwan Ka Soo Saartay Xidhiidhka Soomaliya.


(SLT-Nairobi) Xoghaya Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegay inaysan dowladda Kenya dalkeeda ka eryin safiirkii Soomaaliya Maxamud Ahmed Nuur (Tarsan) isagoo sixitaan ku sameeyay sida tallaabadii Kenya Warbaahinta u bahisay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Danjire Macharia Kamau oo ahaa masuulkii u yeeray Danjire Tarsan ku sheegay inaysan u yeereen safiirkooda Muqdisho, isla markaana aysan eryin Safiirkii Somalia, wuxuuna yidhi: &Waxaan safiirkeena ugu yeernay la-tashi, waxaanan Safiirkooda weydiisanay inuu tago si ay dhinacooda wadahadal u yeeshaan, si aan u xalinno arrintan oo warbixinno cad oo sax ah labada dhinac u helaan..

Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa sidoo kale sheegay inaysan Kenya ku faraxsaneyn sida dowladda Somalia u iib geystay xuduudka Badda Kenya ay leedahay, sida uu yiri.

Waxaa muuqata isbedel weyn oo Kenya ku yimid ku dhowaad 24 saacadood markii uu soo baxay go’aankeedii la yaabka lahaa ee ay dowladda Somalia ugu yeeray caddow ay leedahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top