Connect with us

somalilandtoday.com

Burundi Oo Dadaal Ku Bixineysa In Ciidammadeeda Aan Laga Saarin Soomaaliya.

focus

Burundi Oo Dadaal Ku Bixineysa In Ciidammadeeda Aan Laga Saarin Soomaaliya.

(SLT-Burundi)-Danjiraha Dalka Burundi ee magaalada Addis Ababa Dieudonne Ndabarushimana, ayaa ka hadlay qorshaha Kun kamid ah Ciidanka Burundi lagaga saarayo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay tahay mid beegsi gaar ah loogu hayo dowladiisa.

Waxa uu sheegay iney wadadaan dadaalo ku aadan sidii loo hakin lahaa in dhamaadka bishan Soomaaliya laga saaro Kun askari oo ka socota dowladda Burundi, taa bedelkeedna askartaas la saarayo ay noqoto mid ay wada qeybsadaan dhamaan dowladdaha Ciidamadooda ay ku suganyihiin Soomaaliya.

Dowladda Burundi ayaa 14kii bishan xubin ka noqotay Guddiga amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo saddexdii Sanaba mar la doorto, Isagoo sheegay in xubinimadaas ay ka taageereyso iney ku guuleystaan doodooda Sharciga ee arinkan ku wajahayaan.

”waa si wanaagsan in Ciidanka Amisom laga saaro Soomaaliya, maadaama uu dalka ka soo kabanayo dhibaatooyinkii dhinaca amniga, balse maxaa qorshahan ku kaliyeelay dowladda Burundi, hadii Kun askari la saarayo wadan walba tiro halaga soo qaado, wada bixista waan ogolnahay, balse beegsiga gaarka ee nalagu hayo ayaan diidanahay” ayuu yidhi Dieudonne Ndabarushimana.

Midowga Afrika ayaa bishii December sanadkii 2017, dalkan ka saaray Kun askari oo kamid ah Amisom, askartaas waxa ay ka wada socdeen dhamaan dalalka Amisom ku jira, balse qorshahan cusub waxaa lagu koobay oo kaliya Burundi, waana taa mida lagu qancin la’yahay xukuumada Burundi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top