Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Mid Noqday 5-ta xubnood Ee Loo Xulay Abaalmarinta NABADDA Adduunka 2019

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Mid Noqday 5-ta xubnood Ee Loo Xulay Abaalmarinta NABADDA Adduunka 2019

(SLT-Washington)-Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Abiy Axmed ayaa loo xulay inuu u qalmo hanashada Abaalmarinta Nabada Aduunka (Noble Peace Prize) ee sannadkan oo natiijadeeda lagu dhawaaqi doono Toddobaadka koowaad ee bisha Oktoobar 2019. Sida lagu shaaciyey qoraal Guddoomiyaha Machadka Nabada iyo Daraasaadka ee Oslo (PRIO) Mr Henrik Urdal shalay soo saaray ayaa lagu shaaciyey magacyada 5 xubnood oo Raysal-wasaare Axmed ee Itoobiya kaalinta koowaad ugu jiro ay ku shaaciyeen in laga dhexdoorto masuulka u mudan hanashada abaalmarinta sannadkan.

Qoraalka Gudoomiye Urdal oo faahfaahin kooban laga bixiyey sababaha ay ugu xusheen inuu u qalmo Raysal-wasaaraha Itoobiya Md Axmed ku guulaysiga Abaalmarinta Nabada ee 2019 sannadkan ayaa lagu yidhi;

“Talaabooyinkii ugu horeeyey u qaado markuu xilka qabtay Raysal-wasaare Abiy Axmed bishii April 2018, waxuu soo gebagebeeyey colaadii u dhexeysay dalka Eritrea, isla markaana la saxeexday “Heshiiskii Nabada & Saaxiibtinnimada” 9 July, 2018, dhigiisa Eritrea Md. Isaias Afwerki. Sidoo kale Md Axmed ayaa qaaday talaabo uu wadaxaajood ula bilaabay jabhado dagaalo kula jiray Itoobiya, sida jabhadii Oromada, Amxaarada, Tigray-ga & Soomaalida, heshiis nabadgelyana ugu soo laabtay dalkooda.

Deaalada kale uu qaaday muddo kooban ayaa laga xusi karaa soo-afjaridii xukunkii degdega dalka saarnaa, saamaxaadii dhamaan maxaabiistii siyaasada u xidhnaa, waxaanu soo dhisay xukuumada rag iyo dumarku si simman uga dhexmuuqdeen, isla markaana Haweenka u magacaabay xilal culculus, isla markaana dhamaan qoomiyadaha dega dalku iska dhexarkaan.

Dalka Itoobiya oo heerka qiimaynta kaalimo hoose kaga jiray dhinaca horumarka bulshada, ayaa qorshayaasha Md Axmed u qaadayo wax ka qabashadeeda ka mid tahay inuu horumariyo kaabayaasha dhaqaale ee dalka, isla markaana iskaashiyo horumar dhaqaale & ganacsi kala yeeshay wadamada jaararka, sida jabuutio, Sudan Somaliland iyo Kenya adeegsiga dekedahooda, si horumarka Geeska Afrika, isku kaabo.

Inkastoo talaabooyin dhiirigelin leh uu qaaday raysal-wasaare Md Abiy, waxa la saadaalinayaa inuu xaqiijiyo doorashooyin xor & xalaal qabsoomidooda, caqabad keliya haddaanu la iman qorshe cad oo lagu gaadhayo qabsoomida, taako ku noqon karta hanashada abaalmarinta 2019.

Hanashada Md Axmed ee abaalmarinta Nabada 2019, ayaa la saadaalinayaa inuu la wadaago madaxweynaha Eritrea Md Afwerki, kaalintuu ka qaatay soo afjarida colaadii u dhexeysay Itoobiya. Xubnaha machadka PRIO shaaciyey in laga dhexdoorto shaqsiga ugu mudan ayaa magacyadoodu kala yihiin:

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Reporters without Borders

The Arctic Council

The International Land Coalition

UNHCR and High Commissioner Filippo Grandi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top