Connect with us

somalilandtoday.com

Meydadka Raggii Weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Magaalada Nairobi Oo Loo Qaaday Mareykanka

focus

Meydadka Raggii Weeraray Hotelka Dusit D2 Ee Magaalada Nairobi Oo Loo Qaaday Mareykanka

(SLT-Nairobi)-Saraakii ka socotay Hay’adda Dembi-baadhista Booliska Maraykanka ee FBI-da ayaa la sheegay inay qaateen Hadhaagga maydadkii 6-dii Dagaalame ee badhtamihii bishii hore weeraray Hotelka Dusit D2 ee magaalada Nairobi, sida laga soo xigtay Sarkaal ka tirsan Boliska dalka Kenya.

Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeysja The Nairobian in maydadka 5 Dagalaame iyo hadhaagga mid kale oo is-qarxiyey loo qaaday dalka Maraykanka, si ay ugu soo sameeyaan Baadhitaano dheeraad ah.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay codsadeen baadhitaano dheeraad ah ku soo samaeeyaan maydadkaasi, iyadoo la aqoonsaday oo keliya Ninkii geystay Is-qarxintii Hoteelk Dusit D2, kaasi oo Baarayaasha magaciisa ku sheegeen Maahir Khaalid Riziqi oo 25-jir ahaa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay Hay’adda FBI-da qaateen maydadkaasi, si ay baadhitaano Teknoolajiyadeeda sarreeyso ee dhinaca DNA-da ku soo sameeyaan maydadkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee, Saraakiil ka kala socotay Hay’adda FBI-da Maraykanka iyo Sirdoonka Israa’iil ee MOSAAD ayaa la sheegay inay Kenya gacan ka siinayaan baadhitaanka Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit D2 ee Nairobi oo lagu dilay 20 qof oo ay ku jiraan Muwaadiniin u kala dhashay Maraykanka iyo Britain.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top