(SLT-Hargeysa)-Warar xog-ogaal aanu goor dhawayd helnay ayaa waxa ay sheegayaan in xukuumadda Somaliland ay xabsiga u taxaabtay maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland Siciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar.
Mas’uuliyiintan
ayaa loo haystaa falal musuqmaasuq kadib markii baadhis uu hanti dhawrku
sameeyey ay wararku sheegeen in lagu helay falal musuq-maasuq oo ka dhacay madbacada
qaranka muddadii ay maamulkeeda gacanta ku hayeen masuuliyiintani.
Arinkan
weli dawladu dhinaceeda kamay hadal, waxaana la filayaa in ay soo bandhigi
doonto sababta ka dambaysay xadhiga masuuliyiintan.
Wararka
aanu helayno ayaa waxa ay intaa ku darayaan in agaasimihii maamulka iyo lacagta ee madbacada
qaranka Cabdikariin Cabdilaahi Cumar laga goobta shaqada isaga oo ku guda jira
hawl maalmeedkiisa shaqo, halka maareeyihii hore ee madbcada qaraka Somaliland
Siciid Saalax Shire xalay laga qabtay gurigiisa.