“Dawladda Muqdisho Ee Ka Dul Talisa Tiknikada AMISOM, Waxa La Yaab Noqotay Inay Shalay Ku Dhawaaqday Inay Diiwaan-Gelinayso Hantida Ma Guurtada Ah Ee Dalkeeda Oo Ay Sheegtay Inay Ku Jirto Somaliland…” Wasiir Guri-Barwaaqo
“Dawladda Muqdisho Ee Ka Dul Talisa Tiknikada AMISOM, Waxa La Yaab Noqotay Inay Shalay Ku Dhawaaqday Inay Diiwaan-Gelinayso Hantida Ma Guurtada Ah Ee Dalkeeda Oo Ay Sheegtay Inay Ku Jirto Somaliland…” Wasiir Guri-Barwaaqo
(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab ka bixisay hadalkii shalay ka soo yeedhay dawladda Soomaaliya, oo shaacisay inay diwaan gelinayso hantida Ma Guurtadda ah ee dalkeeda oo sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaasna
waxa lagu sheegay Warsaxaafadeed ay faafisay Wakaallada Wararka Somaliland
(SOLNA) oo uu soo saaray maanta Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta
, ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax
(Guri-barwaaqo), waxaanu u dhignaa sidan:-
“Xukuumadda
Jamhuuriyadda Somaliland wax qiime ah agteeda kama laha, hadallada afka
baarkiisa ah ee Dawladda Magac u yaalka ah ee Soomaaliya ku marin habaabinayso
Ummaddeeda tabaaleysan, waxana dhaqan ka noqotay inay sheegato Jamhuuriyadda
Somaliland oo ah dal madaxbannaan oo ay kala baxeen rubuc qarni ka hor.
Dawladda
Muqdisho ee ka dul talisa Tiknikada AMISOM, waxa la yaab noqotay inay shalay ku
dhawaaqday inay diiwaan-gelinayso hantida Ma Guurtada ah ee dalkeeda oo ay
sheegtay inay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland. Taasi oo ay uga dan leedahay
inay iskaga dejiso culaysyada iyo cadhada shacbiga Soomaaliya kaga soo horjeesteen
xaraashkii Toddobaadkii hore ay ku faasaxday Xukuumaddaasi Qaybo ka mid ah
shiidaalka ku jira dalkaas qalalaasuhu hadheeyey. Iyadoo horena ay u jirtay
inay hadyad u bixisay soohdin biyoodka dalkooda iyo khayraadkii ku jiray.
Sidaas darteed, waxaan ugu baaqaynaa Xukuumadda Soomaaliya inay u soo noqoto runta ka jirta Gobolka Geeska Afrika oo ay ka waantowdo lab-la-kaca ay ku hawaysanayso inay farogeliso dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ay shan madaxweyne si dimuqraadi ah oo nabdoon xilka iskugu wareejiyeen.”