Connect with us

somalilandtoday.com

“Ma Yeelayno In Ururo Dano Gaara Lagu Fushanaayo Naloo Adeegsado “ Wariye Cabdimaalik Coldoon Oo Eedyay Guddoomiyaha Ururka SOLJA

focus

“Ma Yeelayno In Ururo Dano Gaara Lagu Fushanaayo Naloo Adeegsado “ Wariye Cabdimaalik Coldoon Oo Eedyay Guddoomiyaha Ururka SOLJA

(SLT-Hargaysa) Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu somaliland uga tagay.

Weriye Cabdimaalik oo saxaafada kula hadlay magaalada Jigjiga ayaa ganafka ku dhuftay hadalo ka soo baxay gudoomiyaha Solja oo la xidhiidha waxyaabaha keenay inuu ka tago somaliland.

Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka jawaabaya hadalada gudoomiyaah Solja ayaa waxa uu yidhi “Waraysi laga qaaday gudoomiyaha Solja Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto waxa uu ku sheegay inaanay jirin wax weriyayaal ah oo somaliland uga tagay xadhig iyo cabudhin, waxaanu si gaar ah u sheegay in aniga oo Cabdimaalik ahi aan iska tagay oo aanay jirin wax xadhig ah iyo wax dhibaato

ah oo igu haysatay Burco, waxaanu ku adkaysanayey markasta inaan wax dhibaato ah uga tagin Burco.”
Weriye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa soo bandhigay sababo uu sheegay inuu tagay somaliland gaar ahaan magaalada Burco oo uu ku noolaa waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka cadaynayaa in hadalka ka soo yeedhay gudoomiyaha Solja uu yahay mid ka duwan sida ay wax u dhaceen, Anigu Burco wax kale ugamaan iman ee xadhig ayaan uga imid kaas oo la xidhiidha warbaahintayada, sida aanu u hadalno, waxa aanu qorno iyo wixii aanu tabino, weerarkii ugu cuslaa noloshayda intaan arkay ayaa nalagu soo qaaday ilaahayna waa naga badbaadiyey laakiin qalabkayagii ayaa la qaatay, gaadhigayagii ayaa lala wareegay anagana waa nala raadinayey umaduna way ogayd oo warbaahinta Burco way baahisay, xaafadaha jaarka la ah xafiiskayaguna way ogaayeen sida xafiiska loo soo weeraray, markaa gudoomiyuhu waxa uu sheegayaa war ka duwan waxaas dhacay.”

Weriye Cabdimaalik ayaa sheegay inaanu wax hiil ah uga baahnayn gudoomiye Xuuto waxaanu yidhi “Gudoomiye Xuuto anagu ugama baahnin hiil iyo inuu noo hadlo sababtoo ah kama filayno, aniguna shakhsi ahaan kama filayo Xuuto inuu ii hiiliyo laakiin ka ogolaan maayo inuu I hafro, Imika miyuu damaanad qaadayaa ninka leh Cabdimaalik lama xidhin oo isaga ayaa iskii uga tagay oo isaga oo nabad qaba ayuu iska tagay ma damaanad qaadayaa maanta hadaan Burco ku soo laabto oo aan wajaale ka soo galo, ma damaanad qaadayo balse marka sidaa lay qabto waa ninka ugu horeeya ee odhanaya xadhigiisu waa xalaal hore-na wuu u yidhi.”

Ugu dambayn weriye Cabdimaalik ayaa fariin u diray bulshada somaliland waxaanu yidhi “Umada somaliland waxaan u sheegayaa marka la doonayo in qofka xoriyadiisa la banaysto ama la xalaalaysto xadhigiisa iyo dulmigiisa si gaar ah ayaa loo takoorayaa oo waxa la odhanayaa Somaliland ayuu ka soo horjeedaa, aniga oo kaliyana igu dhici mayso balse qof kasta oo ka soo horjeeda dulmiga way ku dhacaysaa, kana yeeli mayno Xuuto iyo qayrkii in naloo soo xidho shaadhka sharciga iyo dawlada iyo shaadhka ururo iyada oo lagu fulinayo dano kale.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top