Connect with us

somalilandtoday.com

Alleylehe Kulmiye Ma U Quusgooyay Raggii Lahaa Laftaanu Dhiibnay Iyo Kuwii Lahaa Geelaa Isaga Kaaya Jirra

Articles

Alleylehe Kulmiye Ma U Quusgooyay Raggii Lahaa Laftaanu Dhiibnay Iyo Kuwii Lahaa Geelaa Isaga Kaaya Jirra

Waxaan Xusuustaa Maalin Taariikh ah oo Ku Beegneyd Wakhti Yar kadib Markii uu Xisbiga Kulmiye Ka Guulaystey Xisbi Xaakimkii Udub ee Madaxweyne Rayaale hogaaminayay, Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda iyo Duulista Hawada Isku Soo Marey Maxamuud Xaashi Oo kamid ah Ragga u holadey Damaca Xisbiga Kulmiye ayaa kalmad Laga Qorrey Waxa uu Yidhi.Maalmihii Farxadiisa, oo ku beegnayd iyana Markii u horeysay ee uu Wasiir Awood badan Noqdo Waxa uu Si jees jees ah u yidhi “Raggu Waa Raggii Goobtuna Waa Goobtii” laakiin Maanta Heestaa.Mid ka Duwan ayaa Miiska u Saaran, Sida Muuqata Marka la Tixraaco Shirka Xisbiga Kulmiye Loogu Qabanayo Boorama iyo.

Ajandaha loo soo Dhigay Maadaama Xubnaha Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta loo Qaybsanayo Qaab Beeleed oo laga badelayo Sidii Awal hore ay Reeruhu ugu kala badnaayeen ha ubadnaato Beesha Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, Laakiin Waxa haddana Muuqata in Maanta ay haysato Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Beesha uu kasoo jeedo heestaa uu Maalintaa uu Dinaaxinayay ku Tiraabay ee ahayd “Raggu Waa Raggii Goobtuna Waa Goobtii” hadda Goobtu Waa Madaarka Hargeysa.e

Haddaan Geesta kale hoos uga daadago Shirka Boorame loogu Qabanayo Xisbiga Kulmiye, Waxaa Maalmihii u Dambeeyay Dadka Reer Somaliland oo dhami Si aad ah u hadalhayeen Arinta Liiska Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo laga Soo.Waayay.Siyaasiyiintii New Ucid Jamaal Cali Xuseen iyo Cali.Maxamed Yuusuf(Cali Gurey), Waxaynu Wada ogayn in Murankii iyo Dacwadii Mudada dheer Socotey, ee ay Wada galeen Jamaal Cali Xuseen iyo Cali Gurey oo isku Dhinac ah iyo Faysal Cali Waraabe oo isaguna Dhinac ahi in ay daarnayd Marka horeba mid ka Timid Xaga Kulmiye oo laga istaadhey, oo lagu Mija Xaabinayay in aan Jamaal Cali Xuseen Murashax ka Noqon Xisbiga Ucid oo aan Xaqiiqatan Reerka Habar-Awal la yidhaa Laba Murrashax u Yeelanin.

Haddaba Markii Dacwadaasi Dhamaatey ee Maxkamadii la isla Galey u Xukuntey Faysal Cali Waraabe Koox yar oo aan ka Badneyn Tobaneeyo Qof ayaa ku Biirey Xisbiga Waddani una Badnaa Dhalinyartii Taageersanaa Jamaal Cali Xuseen iyo Damaciisii, Siyaasadeed Waxaana Xubnahaa lagu Darey Golihii Dhexe ee Xisbiga Waddani Laakiin Jamaal Cali Xuseen, oo Maalmahaa isaga laftiisa loo Tumhayay in uu Ku Biiri Doono Xisbiga Waddani ayaa Ka Badheedhay in uu Ku Biirey Xsibigii Kulmiye ee Mija Xaabiyay Damaciisii Siyaasiga ahaa Waxaana Laga Reebay Kalmad Culus oo aheyd ” Waxaan Xisbiga Kulmiye u Raacey Geellaa Isaga Kaaya Jira”. Inkastoo aanay Kalmadaa aad U Jeclaysan Shacab Badan oo Taageero u hayey Dadka Arimaha Siyaasada u Dhuun Daloolaa Waxa ay Xantii Xaqiijiyeen in Cali Gurey oo isna halkaa Kadaba Marey ay Qaateen Lacag dhan 400.000$ 300.000$ Jamaal ah iyo 100.000$ Cali Gurey ah Laakiin aaney Marin Wadadii ay Kaga Jawaab Celin lahaayeen Ficiladii lagula Kacey Damacoodii Siyaasiga ahaa.

Haddaba Marka loo eego halka ay Maanta ka Joogaan Xisbigii ay Ku Biireen ee Kulmiye oo aanay habayaraatee, kujirin Golihiisii Dhexe iyo Gudidii Fulinta Midna Kadib Markii ay Iska Dhex Waayeen Xubnihii Loo Yeedhay Toddobaadkii u Dambeeyay Waxa at Taasi ina Tuseysaa in Loo Quus gooyay Dadkii Mudaakirooday Wax Dambe oo ay inoo Sheegaana Sidaasay ku Dhamaatey Haddii Cali Gurey Maalmaha Qaar ahaan Jirey Addin Yaa Bilaal ama Sayid Cali Runta Sheega Maanta Waxaynu Leenahay la Sheekayso 100.000$ ee Dollar Jamaalna Waxeynu Leenahay 300.000$ ee Dollar ka Sakaw la Sheekayso Geelii adiga iyo Muuse isugu kiin jirey.

Bal aynu Eegno Beeshii Wareejinta Xisbiga Kulmiye Sugaysay, iyo dad badan oo kale oo iyaguna aad u qooqanaa Markii.ololaha.

Najiib Ismaaciil Maxamed
Gabiley Somaliland
Tell:0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top