Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaabiis Laga Soo Daayay Xabsiyo Ku Yaalla Dalka Iiraan Oo Maanta Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

focus

Maxaabiis Laga Soo Daayay Xabsiyo Ku Yaalla Dalka Iiraan Oo Maanta Ku Waajahan Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inay manta ku laabtaan maxaabiis Soomaali ah kuwaas oo ku xidhnaa xabsiyo ku yaalla dalka Iiraan kadib wadahadal dhex maray dowladda Soomaaliya iyo dowladda Iiraan sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Soomaaliya.

Maxaabiistaan ayaa lagu wadaa in ay maanta kasoo degaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana dhibaato ay ku heysatay xabsiyadaas ku yaalla dalka Iiraan waxaana la sheegay inay u badanyihiin dhalinyaro.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaan oo kale dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaali ahaa kuwaas oo ku kala xidhnaa Xabsiyo kala duwan oo ku yaalla dalal kala duwan oo caalamka ah sida Itoobiya, Siishalis, Hindiya iyo Liibiya meelo kale, iyada oo ay balan qaadeen in dalka lagu soo celinayo dhamaan Soomaalida ku xidhan dalalka kala duwan ee caalamka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top