Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay Maraykanka U Basaasaysay Iran Oo Dambi Lagu Helay

focus

Haweenay Maraykanka U Basaasaysay Iran Oo Dambi Lagu Helay

(SLT-Washington)-Sarkaal hore oo ka tirsaneyd ciidanka cirka ee Maraykanka, qeybtiisa sirdoonka, taas oo u carartay dalka Iran 6 sano ka hor ayaa lagu soo eedeeyey inay dawladda Iran siisay macluumad dhinaca militariga la xiriira oo aan la ogoleyn in la ogaado.

Wasaaradda Caddaaladda Maraykanka ayaa Arbacadii shalay shaaca ka qaadday in Monica Elfriede Witt oo 39 jir ahi ay dawladda Iran ka caawisay sidii ay u bartilmaamesan lahaayeen.

Xeerbeegti arrinta Monica Witt eegaysay ayaa ku helay in, sidoo kale, ay Iran ka taageertay bartilmaameedsiga ugu yaraan siddeed xubnood oo ka tirsna sirdoonka Maraykanka oo ama ay la shaqeysay ama ay kulmeen.

Haweenayday ayaa loo jaray in la soo qabto in kasta oo la aamisan yahay in dalka Iran ay ku sugan tahay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top