Connect with us

somalilandtoday.com

Fannaan Itoobiyaan Ah Oo U Dhintay Arrin La Yaab Leh

focus

Fannaan Itoobiyaan Ah Oo U Dhintay Arrin La Yaab Leh

(SLT-Addis Ababa)-Fannaan Itoobiyaan ah ayaa u geeriyooday xabbad wiifta ah oo loo riday dabbaaldegga Huteel cusub oo laga dhisay magaalada Ashufe oo ku taalla degaanka Oromada ee dalkaasi Itoobiya.

Mid ka mid ah saaxibbada fannaanka geeriyooday oo lagu magacaabo Tufa Wadajo ayaa BBC u sheegay fannaanka Dadhi Gelan inuu ka heesayey xaflad lagu furayey Huteel cusub.

Dadhi wuxuu caan ku ahaa heesaha waddaniga ah oo uu ku gubaabinayo qowmiyadda Oromada iney xaqa ka maqan raadsadaan.

Deeganka Oromada ayaa waxaa dhaqan ka ah xilliyada farxadda iyo murugdaba in rasaas cirka loo rido.

Xilliga ay fannaanka xabadda wiifta ah ku dhaceysayna uu dhammeystiray heesihi uu masraxaasi ku soo bandhigi lahaa, dadki xafladdaasi goob joog ka ahaana dhacdadaasi kaddib waxay ka carareen goobti ay xafladda ku socotay.

Mr Wadajo waxa kale oo uu sheegay “hees kasta oo uu fannaanka masraxa ka qaado in loo ridayey ugu yaraan 50 ilaa 60 rasaas noonool, wuxuuna fannaanka marar badan cod dheer uu ku lahaa xabadaha aad rideysaan iga ilaaliya”.

Fannaanka sida kediska ah ku geeriyooday waxuu caan ku ahaa heesaha uu ku qaado afka Oromada wuxuuna sida oo kale uu qoray shan buug oo uu kaga hadlayo qowmiyadda uu ka soo jeedo.

Ila wareedyadu waxaa kale oo ay shegayaan “Xabadda fannaanka ku dhacday ee sababtay inuu u geeriyooda qoriga laga soo riday iney dowladdu lahayd.

Horraanti bishan bam gacmeed ku qarxay xflad aroos waxaa ku geeriyooday nin caruus ahaa iyo manxiiskiisa xilli ay socotay xafladda arooska.

Itoobiya oo ay in mudda ah ka socdeen kacdoonna looga soo horjeeday dowladdi hore ee kelitalisnimada ku dhisneyd ayaa sababtay inuu Dr Abiy Axmed uu noqdo Ra’isal wasaarihi ugu horreeyey oo qowmiyadda Oromada ka soo jeeda.

Oromada oo ah qowmiyadda ugu badan dalkan Itoobiya ayaa in mudda ahba ka cabaneysay in siyasadda iyo dhaqaalaha dalka lagu gacan bidixeeyey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top