Waydiimaha ugu badan ee la waydiiyo xilliggan aynu joogno hablaha markay gayaankood guursadaan ha yeeshee inta badan ka wer-wareegaan war celintooda waxaa ka mida ;
Hooyo Canbaro: Yur, naa waa Aqoonyahan baanu ku nidhi shaqadu ma faral baa?
Hooyo Cibaado: Oo haddaa reerkoodu lacag ma leeyihiin?
Hooyo Canbaro: Oo lacagtooda maxaa ka galay hadday haystaan?
Hooyo Cibaado: Dee mayee inantaaday ku masruufi doonaan.
Hooyo Canbaro: Naa ma iyagaa inantayda guursaday? Isagaa guursadee, waa uu u shaqaysan reerkiisa.
Islaantii Canbaro inta ay adkaysan kari wayday xanaaq, labadii dhabanna casaadeen ayey islaantii Cibaado dug ku tidhi timahana la boodday, labada gacmood la isla gal dhulkana la isku rif.
Alla kala qabta….Kala qabta iyo Shaydaanka naara badatay, labadii islaamood la soo kala gaadh garna looba fadhiisay.
“Naa kaalay ma maantay aqoontii, shaqo kaala waynaatay. Cajuusad yahay aqoonta iyo shaqada tee baa horraysa?! Waad arki doontaa indhahaagoo shana, hadday hablahaaga Jaahiliin kaa soo dooni waayaan, imikana ina kala daa’ dhabarkaagana i tus, naa gurigaygana ii dhaaf wuxu waydiimo badanaa ma Weriyaa?” Ayey tidhi islaantii Canbaro iyadoo labada dhaban casaadeen xanaaq dartii!
Cibaado: Naa waanu kuu dhaafi habar yahay dhammaatay.
albaabkii qab ..qab kaba siisay si uu maaggay iyada !