Connect with us

somalilandtoday.com

Midowga Afrika Oo Taageeray Qorshaha Soomaaliya Lagaga Cafinayo Daymaha Caalamiga Ah

focus

Midowga Afrika Oo Taageeray Qorshaha Soomaaliya Lagaga Cafinayo Daymaha Caalamiga Ah

(SLT-Muqdisho)-Guddiga Midowga Afrika ayaa shaaciyey inay taageeri doonaan qorshaha Dowladda Soomaaliya ku doonayso in laga cafiyo Lacagaha daymaha Caalamiga ee lagu leeyahay, taasi oo caga-cagaynayso 4.6 Billion oo Dollar.

AU-da waxay sheegeen haddii Soomaaliya laga cafiyo Lacagaha Daymaha inay taasi u oggolaan karto Soomaaliya inay helaan Kaalmayn Caalami ah.

Hadalkaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Saraakiisha DFS, Ururadda Bulshadda Rayidka, Ururadda Horumarinta Caalamiga ayaa ugu baaqay Ururka Midowga Afrika inay u ololeeyaan sidii Soomaaliya looga cafin lahaa Daymaha lagu leeyahay.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha ee DFS, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay Somalia u baahan tahay Iskaashi, si looga cafiyo Daymaha lagu leeyahay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay taasi taageero ka geysan doonto Qorshaha Horumarinta ee Somalia.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee DFS, Axmed Ciise Cawad ayaa isagana sheegay haddii la cafiyo Daymahaasi inay taasi la micno tahay inay wax badan laga qaban karo Arrimaha Gudaha Somalia, gaar ahaan Arrimaha dadka Barakacayaasha oo ay horey Madaxda dalalka Afrika uga hadleen Kulankoodii 32-aad ee shalay ugu soo gebageboobay magaalladda Addis Abeba.
Si kastaba ha ahaatee, Somalia si looga cafiyo Daymaha Caalamiga waxaa loo baahan yahay inay Hay’adda Lacagaha Calaamiga ee IMF ansixiso si ay Agaasimayaasha IMF dib u eegaan Horumarka Somalia iyo inay DFS wada-xaajood la galaan Deeq Bixiyayaasha Khaaska si ay uga cafiyaan Daymahaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top