Connect with us

somalilandtoday.com

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Qoraalo Iska Soo Horjeeda Hordhigay Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay

focus

Maraykanka Iyo Ruushka Oo Qoraalo Iska Soo Horjeeda Hordhigay Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay

(SLT-Washington)-Dowlada Maraykanka ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay horgeysay qoraal ay dooneyso in golahaasi ku taageero mucaaridka dalka Venezuela, halka Ruushka uu isaguna Golaha horgeeyey qoraal kale oo lagu taageerayo Dowlada Venezuela ee Nicolas Maduro.

Maraykanka ayaa ku dooday in Dalka Venezuela la geeyo mucaawino isla markaana la qabto doorashooyin cusub, waxayna sheegeen inay dhankooda aqoonsan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Juan Guaido oo bishii hore sheegay inuu isu dhaariyey inuu yahay Madaxweynaha kumeel gaarka ah.

Ruushka oo isaguna soo diyaariyey qoraal ka dhan ah Maraykanka farogelinta uu ku hayo dalka Venezuela ayaa sheegay in loo baahan yahay in arrimaha gudaha ee dalka Venezuela loo daayo inay dhexdooda xalistaan, Ruushka ayaa la filayaa inuu awoodiisa VETO ku horjoogsado qaraarka Maraykanka doonayo.

Dhinaca kale Madaxweynaha Venezuela Nicolas Maduro oo diiday baaqyada uga imaanayey Maraykanka iyo xulafadiisa ee inuu xilka ka dego ayaa sheegay inay iska difaaci doonaan duulaan walba oo dalkooda dibada uga yimaada.

Maduro ayaa Axadii shalay sheegay inay dalka Ruushka ka dalbadeen hub cusub oo u badan gantaalo oo uu sheegay inay isaga difaaci doonaan duulaanka Maraykanka.

Xukuumada Maduro ayaa sidoo kale diidan inay ogolaato mucaawino Maraykanka soo mariyey dalka Colombia oo lagu celiyey xaduuda dalkaasi, Maduro ayaa sheegay in mucaawinadaasi ay tahay mid la doonayo in loo adeegsado farogelinta dalkiisa lagu hayo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top