Connect with us

somalilandtoday.com

“Garsoorka Waa Ka Mumnuuc In Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo…Jamaal Cali Xuseen

focus

“Garsoorka Waa Ka Mumnuuc In Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo…Jamaal Cali Xuseen

(SLT-Hargaysa)Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa arin layaableh ku tilmaamay shirkii jaraa’id ee uu Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku soo bandhigay Dacwado uu sheegay in Wargeyska Foore ku Xukumay, Jamaal ayaa Dhaar ku maray inaanay dacwadahaasi mid koodna ka mid ahayn kiiskii lagu qaaday Foore ee uu dhagaysigiisa ka qayb galay, waxaanu sheegay in haddii aanu ka qayb galeen uu rumaysan lahaa wixii shubay Garsoore Dalmar.

Jamaal Cali Xuseen ayaa intan ku dul qoray Muuqaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi jeex kaga hadlay arintan, waxaanu soo dhigay Barta uu Facebookga bulshada kala xidhiidho, waxaana qoraalkiisa ka mid ahaa.

Waar ileyn anagaa wax aragnay. Dacwaddii dhegaysiga ee Foore hadaanan joogi lahayn waxa uu sheegayo garsoorahu waan

rumeysan lahaa anigoo sharaf u haya. Waxaa uu listka dacwadaha uu tirinayo run baan u qaadan lahaa. Ilaahay baa Igu og in waxaas uu tirinayo oo dhami aanay ku jirin dacwaddii Foore lagu soo oogay Oo Hal shay ahayd. Kolkii imika aan waraysi tegay halkuu ka keenay waxan Oo dacwado ah oo aan ku jirin dhegaysigii aan ka qayb galay, waxa la ii sheegay, ka dib markii aan hadlay, intuu xeera ilaalinta intuu u tegay uu yidhi keena listkii dacwadihii hore ee Foore Oo kuligood qaarna sanado ka hor banaanka lagu dhameystay Oo SOLJA ay uga garnaqday gudiggii Abaaraha iyo Wargeyska Foore; kuwa kalena kolkay wax cadeyn ah keeni waayeen ay xeera ilaalinta sooba dhaafi waayeen. Listka uu tiriyey ee aan isaga hor iman maan filaneynin inuu bulshadda uga dhigo in lagu haystay Foore iyo in aniga wax i dhaafeen. Runtii dacwad dhegaysigii Si fiican buu u agaasimayey Garsoore maxkamadda iyo dacwad dhegaysiga laakiin inay xoogag kale xukunkii carqaladeeyen ayaa dhici karta Oo culeys la saaray. Laakiin hadaan talo siin lahaa laba qodob:

  1. Horta waa ka mamnuuc in Garsoore maxkamadeed inuu shir saxaafadeed sameeyo isagoo ay tahay inuu isagu dhexdhexaad noqdo Oo aanu gelin halkii xeer ilaaliyaha. Qaladkaa Waxaa hore u galay yarka joogga Maxkamadda sare Oo intuu cadaalad daraddii ugu weynayd nagu sameeyey haddana maalintii danbe intuu shir saxaafadeed soo fadhiistay na caayey Oo noo hanjabay ( Caydiidna gar leh Cali Mahdina gar leh). Garsoorayaashiina ma waxay noqdeen siyaasiyiin iyaguna shir saxaafadeedyo sameeynaya.
  2. Anigoo ixtiraamaya Garsoore Dalmar Oo runtii isaga ixtiraam u hayo; Ilaahay baa ina dilayee yaanu dadka uga dhigin in list dheer Oo dacwado hore ah oo aan dacwadan ku jirin aanu ummadda uga dhigin in waxaas Oo dacwad ah darteed loo xukumay Foore. Waar Miyaan Ilaahay laga baqaneeynin. Walaahi meel xun baynu ku soconaa haddii Maxkamadihii iyo cadaaladdii dalku sidan tahay Oo xataa dacwaddii aan anigu fadhiyey wax kale lagu sheegayo subxaanaka yaa cadiim.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top