Connect with us

somalilandtoday.com

Galka Baadhista Oo Fashiliyay Siro Badan Oo La Xidhiidha Shirkii Lagu Xaraashay Shidaalka Soomaaliya

focus

Galka Baadhista Oo Fashiliyay Siro Badan Oo La Xidhiidha Shirkii Lagu Xaraashay Shidaalka Soomaaliya

(SLT-New York)-Toddobaadkii hore dawladda Soomaaliya waxay magaalada London kusoo bandhigtay xogta laga laga helay sahankii shidaalka ee laga sameeyey Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 2014-ka iyo 2016-ka. Sahankan waxaa iskaga dambeeyey labada shirkadood ee kala ah Soma Oil & Gas iyo shirkadda Spectrum.

Soo bandhigista xogta shidaalka ee ka dhacday London toddobaadkii hore waxaa daba socda in la sameeyo sahamin, taasi oo u baahan in dhulka sahanka laga samaynayo saliid laga baadho. Bixinta qandaraasyadan waxay bilaabaynsaa dabayaaqada sannadkan, sida rasmi ahaan loo sheegay, inkastoo khubarada qaar ay sheegeen in furitaanka tartanka shidalaka Soomaaliya ay durba bilaabantay.

Barnaamijka Galka Baadhistu waxa uu ogaaday in shirkadda Spectrum oo qandaraas lagu siiyey kaydinta iyo iibka xogta Soomaaliya ay lacago gaadhaya $1.35 milyan oo doollar ay siin jirtay wasaaradihii kala dambeeyey ee shidaalka. Lacagahaasina waxay abuuri karaan shaki maadaama shirkaddu siinayso wasaaraddii siisay qandaraaska kaydinta iyo iibinta xogta.

Waxaa kale oo Galka Baarista uu ogaaday in Soomaaliya ay hoos u dhigtay saamiga ay ka qaadanayso shidaalka soo baxa maalmo uun ka hor intii aan la tegin shirka London, waxaana saamigaasi laga dhigay 54-66% halka dokumentiyo hore oo la qoray ay gaarsiinayeen ilaa 85%, sidaasina waxaa barnaamijka u sheegay laba khabiir oo aqoon toos ah u leh sahaminta shidaalka Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top