Connect with us

somalilandtoday.com

“Warqaddan La Wareejinayo Ee La Leeyahay Sirdoonka Soomaaliya Ayaa Hargeysa Ka Hawlgala, Waxa Ay Ka Mid Tahay Dagaalka Kala Qaybinta Somaliland Ee Lagu Burburinayo…” Ex. Wasiiir Garas

focus

“Warqaddan La Wareejinayo Ee La Leeyahay Sirdoonka Soomaaliya Ayaa Hargeysa Ka Hawlgala, Waxa Ay Ka Mid Tahay Dagaalka Kala Qaybinta Somaliland Ee Lagu Burburinayo…” Ex. Wasiiir Garas

(SLT-Hargeysa)-Wasiirul-dawlihii hore ee Wasaaradda Tamarta Yuusuf Cismaan Garas ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay in dagaal dhinaca kala qaybinta ah lagu hayo Midnimadda shacabka Soomaalilaand.

Yuusuf Cismaan Garas waxa uu sheegay inay jiraan Warar boranbogaandho ah oo lagu dhex faafinnaayobulshadda Soomaalilaand dhexdeedda, kuwaasoo uu sheegay in ujeedka laga leeyahay uu yahay in lagu kala qaybiyo Wada-jirka iyo Midnimadda Soomaalilaand, waxaannu ka digay in Wararkaas loo dheg-raariciyo oo lagu dacaayaddeeyo qaar ka mida Bulshadda Somaliland.

“Warqaddan la wareejinayo ee la leeyahay Sirdoonka Soomaaliya ayaa Hargeysa ka hawlgala; waxa ay ka mid tahay dagaalka kala qaybinta Somaliland ee lagu burburinayo midnimada ummadda.” Ayuu yidhi Yuusuf Cismaan Garas oo Qoraalkan kooban soo dhigay deggelka uu ku leeyahay Barta Facebook.

Sidoo kale, Yuusuf Cismaan Garas waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waar haddii Somaliland wadajirta la doonayo, ha la joojiyo dacaayadaha dadka Somaliland-erska ah loogu shaanbadaynayo Soomaaliya.” Ex. Wasiir: Yusuf Garas.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top