Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Iyo Abiy Ahmed Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Magaalada Addis Ababa, Maxay Ka Wada-Hadleen??

News

Farmaajo Iyo Abiy Ahmed Oo Kulan Gaar Ah Ku Yeeshay Magaalada Addis Ababa, Maxay Ka Wada-Hadleen??

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Labada Mas’uul ayaa kulankooda yeeshay saacado kadib markii uu soo dhammaaday Shirka 32-aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo Axadii shalay furmay.

Farmaajo iyo Abiy ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada Dowladood, si gaar ah waxey iskula soo qaadeen Amniga, dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo howl-galka AMISOM.

Warbaahinta dalka Itoobiya ee FANA ayaa ku warrantay in labada hoggaamiye ay sidoo kale isla soo qaadeen sidii looga faa’ideysan lahaa horumarka qaarada Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in News

To Top