Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Maxay Warar Ay Xukuumadda KULMIYE Dhibsatay Ee Loo Haysto Wargeyska FOORE Iyo Sababta Loo Xayiray??

focus

Waa Maxay Warar Ay Xukuumadda KULMIYE Dhibsatay Ee Loo Haysto Wargeyska FOORE Iyo Sababta Loo Xayiray??

(SLT-Hargeysa)-Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa ay maanta go’aan ka gaadhay dacwad lagu soo oogay wargeyska Madax-bannaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa.


Wargeyska Foore oo ka mid ahaa wargeysyadda ugu afka dheer ee ka soo baxa Somaliland ayaa waxa loo haysto warar uu ka qoray Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda KULMIYE ka dhisanayso koonfurta magaalada Hargeysa.


Maxkamadda ayaa waxa uu ku xukuntay in muddo sannad ah uu xayirnaado wargeysku isla markaana uu bixiyo lacag ganaax oo dhan 3 milyan oo shillinka Somaliland ah.

Bulshada reer Somaliland, siyaasiyiin kala duwan, Abwaan iyo waxgarad kale ayaa waxa ay dareen ka muujiyay Madaxtooyadda cusub ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka dhisanayso duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa.

Halkan hoose ka akhriso warqada xukunka ay Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ku ridey Wargeyska Foore

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top