Connect with us

somalilandtoday.com

“Sacad Waa Nin Wacan, Laakiin Waxaan Aad Ula Yaabay Waxa Bedelay, Waxaana U Maleenayaa In Loo Hanjabay…” Xildhibaano Ka Tirsan Wakiillada

focus

“Sacad Waa Nin Wacan, Laakiin Waxaan Aad Ula Yaabay Waxa Bedelay, Waxaana U Maleenayaa In Loo Hanjabay…” Xildhibaano Ka Tirsan Wakiillada

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay masuuliyadda ka saaran Xukuumadda ilaalinta hantida umadda, waxayna ka digeen in Hantida Umadda ee Qaranku leeyahay laga dhigto Hanti gaar ah.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, oo waeysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) hadalkiisi ku bilaabay sidan “Xukuumadda masuuliyad baa saaran masuuliyadaas oo ah inay ilaaliso hantida umadda, isla markaana sharciga la tiigsato cid kasta oo ku takrifasha, in hantida umadda, lagu takrifalo oo la musuq-maasuqo oo si gaar ah loo isticmaalana waa dambi, waana sharci daro, in umadda hantidooda loo ilaaliyo, oo si cadaalada ah loogu ilaaliyo, oo wixii loo qabanayo si cadaalada iyo sinaani ku jirto loogu qabanayo ayaa wacan, cid kasta oo hantida umadda si khaldan u isticmaashay, ama sifo sharci daro ah u lunsatay maaha in laga habrado, ee waxay ahayd in sharci la hor keeno, maxaa yeelay qof kasta oo xilka umadda lagu aaminay, kana soo bixi waayey masuuliyadii iyo hantidii umadda, maaha in laga habrado, ee waa in la mariyaa waajibkiisa oo ah in Sharciga lala tiigsado”.

Xildhibaan Xasan Muuse Hufane (Xasan Karaama) mar uu ka hadlaayey Doorashada, Komishanka iyo Saami qaybsiga ayaa yidhi “Doorashadayadii dib ayey u dhacday, oo muddo kordhin baa naloo sameeyey, inta la is haysto ayuu haddana wakhtigii Doorashadu soo galayaa, ee waxaa weeye in inta aan la gaadhin Doorashada in la dhammeeyo wax kasta oo khilaafad ah, sida in arinka Komishanka Xisbiyadu ka heshiiyaan, ta kalena waa in saami qaybsigii intaas la sameeya, maxaa yeelay saami qaybsiga oo la sameeyo ayaa wax walba ka daruurisan, mana ah in laga meeraysto Saami qaybsiga ee waa in la sameeya, oo Doorashada lagu galaa saami qaybsi”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige ayaa isna yidhi “Sacad Cali Shire, waa nin wacan, laakiin waxaan aad ula yaabay waxa bedelay, waxaana u maleenayaa in loo hanjabay, maxaa yeelay hadalkii uu ka hadlay ayuu haddana si kale uga hadlay,waxa cad in dayntaasi jirtay, haddana waxaa wax aad looga xishooda ah in la qariyo iyada oo la soo bandhigay, hantida umadda ee la boobaayo waxay muujinaysa fashilaad iyo dawladnimo la’aan,maxa yeelay si kasta oo wax loo qariyo, maruun bay soo baxayaan waxaas la qariyey, dayntana waa mid jirta, oo la dareensanaa, ta kale waxaa jira intaas oo Wasiir oo iyagu markii ay xilka qabteen wax hantiya aan lahayn, balse maanta hanti badan leh oo fooqaq liyo bangalooyin dhistay, meel kale waxba ugamay iman, mushaharkooduna fooqaq uma gooyo, ee hantidii qaranka ee lagu aaminay ayey ku dhisteen, waxaana meesha ka maqan la xisaabtankii lala xisaabtami lahaa, laakiin maalin aan maanta ahayn ayaa lala xisaabtami doona, waxaana jira cid aanay waxba ka qarsoonayn waana ALLE”.

Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige mar uu ka hadlaayey Doorashada iyo Komishanka ayaa yidhi “Doorashadu waxay dhacaysa bisha December, Komishankana waxa uu wakhtigu kaga eeg yahay bisha November, sidaas oo ay tahay Komishan muddo xilkoodkoodu dhammaaday, Doorasho ma qaban karaan, muddo kordhina looma sameeyn karo, sababtoo ah la iskuma raacsana inay sii joogaan, markaas in haddaba la kala diro ayey ahayd, inay ku sii nagaadan may ahaynba, haddii la doonayo inay dalka Doorasho ka qabsoontana waa in Komishan Doorashada qabta la helaa, lana xaliyaa wax kasta oo Doorashada hor taagan”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top