Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Iyo Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Waddooyin .

focus

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Iyo Masuuliyiinta Dawlada Hoose Ee Hargaysa Oo Dhagax Dhigay Waddooyin .

Hargaysa (Somalilandtoday)- Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed , Maayir Ku Xigeenka Dawlada Hoose Ee Hargaysa Cabdi Casiis Cagaweyne iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Axmed Yoonis Juxa ayaa maanta si wada jira u dhagax dhigay laba waddo oo dib u dhis lagu samayn doono.

Labadan waddo ee maanta la dhagax dhigay ayaa kala ah wadada Jigjiga yar oo ka bilaabmaysa isgayska Dabbay Maray iyo wadada kale ee isku xidha degmooyinka Gacanlibaax,iyo Maxamed mooge oo ka Bilaabmaysa Saldhiga New Hargaysa.

Waddooyinka waxaa dhismahooda fulinaya shirkada Cumaani iyo Dawlada Hoose.

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSL Maxamed kaahin Axmed oo goobahaasi la dhagax dhigay ka hadlay ayaa usheegay in si degdega loo bilaabo doono isla maanta dhismaha waddooyinkan oo hore madaxweynuhu u amray.
Wasiirkii waxaa uu intaasi ku daray in bulshada looga baahanyahay taba rucaadka qaybtooda Kuna tartamaan horumarka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top