Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida U Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Aqoonyahan Dunida U Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Aqoonyahan Michael Rubin oo ah madaxa maxadka American Enterprise Intitute isla markaana ah khabiir wax badan ka qoray qaddiyadda madax-bannaanida, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka Somaliland ka hanaqaaday oo uu in badan beesha caalamka u bandhigay.

Aqoonyahankan ayaa qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland ugu dooda warbiximo iyo qoraalo uu la wadaago warbaahinta caalamka, isagoo beesha caalamka u sharaxa dawlad-wanaaga, horumarka iyo doorashooyinka ka hirgalay Somaliland oo ay waddamo badan oo caalamka ah ay kaga horumarsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu aqoonyahankaa ku bogaadiyey sida uu ugu doodo qadiyada Madax-bannaanida iyo horumarka Somaliland uguna heelan yahay inuu wax ka qoro.

Aqoonyahankan oo ka dareen celinaya safarkiisa uu ku yimid Dalka Somaliland oo uu in badan wax ka qoray ayaa madaxweynaha u sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalka uu u doodo ee Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuuna booqandoonaa goobo muhiima oo ka mida dalka, isagoo ku hawlan sidii uu beesha caalamka ula-wadaagi lahaa heerka waxbarashada tacliinta sare ee dalku ku tallaabsaday, madaama uu maamulo xarun waxbarasho oo heer caalami ah kuna taala dalka Maraykanka.

Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top