Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaanada Mucaaridka Ee Xisbiga Dimuquraadiga Oo Bilaabay Baadhitaan Ka Dhan Ah Donald Trump

focus

Xildhibaanada Mucaaridka Ee Xisbiga Dimuquraadiga Oo Bilaabay Baadhitaan Ka Dhan Ah Donald Trump

(SLT-Washington)-Saacado kadib markii Madaxweynaha Donald Trump uu soo jeediyey khudbadiisa sanadlaha ee labada Aqal ayey xildhibaanada Mucaaridka ee xisbiga Dimuquraadiga bilaabay baaritaan cusub oo lagu sameenayo xiriirkii ka dhaxeeyey Trump iyo Ruushka.

Trump ayaa khudbadiisii habeen hore uga hadlay in horumar badan laga gaaray dhanka ganacsiga dalkaasi iyo dhaqaalaha oo sare loo qaaday, wuxuuna sheegay in guulaha ay dowladiisa gaartay ay burbur ku keeni karto hadii lasii wado baaritaanka isaga lagu hayo oo ay abaabulayaan Xildhibaanada Xisbiga Dimuquraadiga oo hada la wareegay aqlabiyada iyo guddoonka Aqalka (Hoose ee Kongareeska) Golaha Wakiilada.

Baaritaankan cusub ayaa noqon doona mid garab socda kii uu horey u waday Xeer illaaliyaha gaarka ah ee Robert Mueller. Wuxuuna baaritaankan cusub si gaar ah diirada u saari doonaa xiriirka dhaqaale ee ka dhaxeeya Donald Trump iyo Ruushka.

Dimuquraadiga oo hada fursad cusub u helay Trump ayaa sidoo kale baaritaan kale ku sameyn doona canshuuraha ay bixiyeen shirkadah uu lahaa Trump oo la rumeysan yahay inuu horey u lunsaday canshuur badan.

Guddoomiyaha cusub ee Kongareeska Nancy Pelosi oo ka tirsan Dimuquraadiga ayaa sheegtay inaysan u joogsan doonin hanjabaadii ka dhex muuqatay khudbadii Trump oo ku dooday in aan loo baahneyn baaritaano horleh. “…Hanjabaad Madaxweynaha maaha mid na cabsi gelineysa….” ayey tiri Ms.Pelosi.

Xisbi Xaakimka Jamhuuriga ayaa sanadihii lasoo dhaafay si weyn uga hortaagnaa Baarlamaanka Maraykanka inuu baaritaan ku sameeyo Madaxweynaha, balse arrintan ayaa isbedashay kadib doorashadii Baarlamaanka ee 2018 oo aqlabiyada Kongareeska ku heleen Xildhibaanada Dimuquraadiga oo Arbacadii shalay bilaabay cadaadiska cusub oo ay saarayaan Mr.Trump.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top