Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyane Donald Oo Shaaca Ka Qaadayo In Ururka Daacish Laga Adkaaday

focus

Madaxweyane Donald Oo Shaaca Ka Qaadayo In Ururka Daacish Laga Adkaaday

(SLT-Washington)-Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay in toddobaadka dambe dhammaan deegaanada ururka IS ay heystaan ee dalalka Ciraaq iyo Suuriya laga xoreyn doono.

“Waa in shaaca laga qaadaa toddobaadka dambe, waan in ka qabsannaa boqolkiiba boqol deegannada ay heystaan IS” ayuu yidhi madaxweyne Trump.

Saraakiisha militariga iyo sirddoonka Mareykanka waxay sheegeen in ururka IS ay soo xoogeysan doonaan waa haddii meesha ay ka baxaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada.

Bishii Disembar Mareykanka wuxuu ku dhawaaqay in ciidamadiisa ka joogo dalka Suuriya uu kala soo baxayo halkaas.

Qaar kamid ah xulufada Mareykanka ayaa dhaleeceyay go’aankaasi oo ay ka digeen in ururka IS uu dib usoo labo kacleen doono.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top