Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Uu Hub Siiyay Maleeshiyaad

focus

Imaaraadka Carabta Oo Lagu Eedeeyay In Uu Hub Siiyay Maleeshiyaad

(SLT-Dubai)-Imaaraatka Carabta ayaa lagu eedeeyay inuu hub siinayo maleeshiyaadka ka dagaallama dalka Yemen, hubkan waxaa Imaaraataka markii hore siiyay Mareykanka, sida ay sheegtay ha’yadda Amnesty International.

Sida ku xusan warbixinta ha’yadda, gawaarida tikinikada ah, madaaficda iyo hub kale ayaa loo weeciyay kooxo aan la xisbaatamin oo lagu eedeeyay in dalkaasi ay ka geysteen dambiyo dagaal.

Imaaraatka Carabta ayaa ka qeyb ah xulufada uu Sucuudiga hoggaaminayo ee dagaalka kula jiro maleeshiyaadka Xuuthiiyiinta ee dalka Yemen.

Imaaraatka kama uusan hadlin eedeymaha loo soo jeediyay balse waxaa uu beeniyay inuu jebiyay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka.

Talaadadii, sarkaal sare oo Amerikaan ah ayaa sheegay inay baarayaan in hubka la guddoonsiiyay maleeshiyaad iyo in kale.

Ugu yaraan 68,000 qof ayaa ku dhimatay dagaallada ka socda Yemen halka 10,700 qof ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top