Connect with us

somalilandtoday.com

Haweeney U Dhalatay Dalka Ingiriiska Dharbaaxo Darteed Ayaa Loo Xidhay Iyo Sababta

focus

Haweeney U Dhalatay Dalka Ingiriiska Dharbaaxo Darteed Ayaa Loo Xidhay Iyo Sababta

(SLT-London)-Haweeney u dhalatay dalka Britain ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii ay dharbaaxday sarkaal ka tirsan laanta socdaalka dalka Indonesia oo ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Ngurah Rai oo ku yaalla magaalada Bali.

Auj-e Taqaddas oo 42 jir ah ayaa lagu helay dambi ah inay rabshado dhalisay kaddib markii ay wajiga ka dharbaaxday sarkaalka isla markaasna ay xoog kaga qaadatay Baasaborkeeda.

Waxaa lagu riday xukun lix bilood oo xarig ah balse waxay ku anddacootay in xukunkaasi uu yahay mid ‘caddaalad darro ah’

Taqaddas ayaa muddo 160 maalmood dheeraad ah isaga darsatay wakhtiga uu ku ekaa dal ku galkeeda, waxaa ay muddo ku qaadatay xeebaha magaalada Bali.

Markii la weyddiyay inay bixiso ganaax gaarayo $3,500, waxay u jawaabtay si caro leh iyadoo markaasi laga duubayay muuqaal.

Auj-e Taqaddas ayaa ku eedeeysay dacwad oogaha maxkamadda inuu tacaddiyo u geystay isla markaasna ku qasbay inay sii joogta dalka Indonesia.

Dacwad oogaha ayaa dhankiisa sheegay in wax dhibaata ah aanan loo geysan haweeneyda balse marar badan aysan soo xaadirin xilliga maxkamadda ay u qabatay dhageysiga dacwadda loo heystay.

Wuxuu intaas ku daray in markaa ay ku qasbanaadeen inay si xoog ah ay maxkamadda ku horkeenaan haweeneydaas.

Garsoorayaasha ku sugan maxkamadda deegaankaasi waxay sheegeen in Taqaddas ay codsatay in go’aanka maxkamadda ay ka qaadato racfaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top