Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Nigeria Oo Taageeray Buhari

focus

Wiil Uu Dhalay Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Ee Nigeria Oo Taageeray Buhari

(SLT-Nigeria)-Madaxeyne Muhammadu Buhari ayaa taageero aan la fileeyn ka helaya wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaasi Olusegun Obasanjo, oo lagu magacaabo Olujonwo Obasanjo, sida ay ku warrantay warbaahinta maxalliga ee dalka Nigeria.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Obasanjo aya sanadkii hore ugu baaqay madaxweynaha haatan talada haye ee Muhammadu Buhari,hadda oo uu ku jiro olole doorasho in uu xilka ka dego.

Wiilkan ayaa hoggaamiya urur ay ku mideysan yihiin dhallinyaro ah oo taageero Muhammadu Buhari.

“Taageerayaasha Buhari waxaa ay joogaan dhamaan dunida” ayuu yiri wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Nigeria, Obasanjo.

Olujonwo Obasanjo ayaa madaxweyne Buhari taageera uga raadinaya qurba joogta reer Nigeria ee ku dhaqan dalka Mareykanka iyo dhammaan dunida.

Atiku Abubakar, oo mar ahaan jiray madaxweyne ku xigeen intii u dhaxeeysay sanadihii 1999-kii iyo 2007-dii ayaa ah ninka loolanka adag kula jira madaxweyne Muhammadu Buhari oo hadda dadaal ugu jira sidii uu mar kale u hanan lahaa kursiga ugu sarreeya dalkaasi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top