Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Soomaali Ah Oo Laga Soo Mastaafurin Lahaa Maraykanka Oo La Sii Daayey.

focus

Wiil Soomaali Ah Oo Laga Soo Mastaafurin Lahaa Maraykanka Oo La Sii Daayey.

(SLT-Hargeysa)-Garsoore Sarah B. Mazziye oo ka tirsan Maxkamadda Gobalka Minnesotta ee dalkaasi waxay shalay amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Muwaadin Soomaali ah oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi, kaasi oo qorshuhu ahaa in loo soo masaafuriyo dalka Soomaaliya.

Cabdiqaadir Shariif Cabdi oo dalka Maraykanka qaxooti ahaan u galay sannadihii 1990-aadkii ayaa waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa kooxaha Burcadda ee dadka dhaca, waxaana isaga lagu soo oogay inuu dhacay gaadiid, hanti iyo in dhowr jeer la qabtay isagoo sarqaansanaa.

Sannadkii 2002-dii ayaa waxa la amray in loo dhoofiyo Soomaaliya, inkastoo Hay’adda Socdaalka sheegtay inay si dhow ula soconayaan xaalladiisa, isagoo si Ku-meel-gaadh ah loo sii daayey, balse bishii Jenewery ee sannadkii hore ayaa mar kale la xidhay.
Waxaa la qorsheeyey bishii March ee sannadkii hore in Cabdiqaadir Shariif Cabdi ka mid noqdo 68 Soomaali ah oo iyagu loo soo dhoofinayey Soomaaliya, balse Garsoore Sarah B. Mazziye waxay bishii November codsatay in lagu sii hayo Xabsiga.

Si kastaba ha ahaatee, isla Garsoore Sarah B. Mazziye waxay shalay amartay in la sii daayo Muwaadinkaasi Soomaalida ee lagu magacaabo Cabdiqaadir Shariif Cabdi.

Dadkii Soomaalida ee shalay ku sugnaa Hoollka Maxkamadayntiisa waxay mar qudha farxad la qeyliyeen markii lagu dhawaaqay in aan la masaafurin doonin, lana sii daayey Cabdiqaadir sheikh Cabdi

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top