Connect with us

somalilandtoday.com

Ururka Dagaalka Ku Caanbaxay Ee Talibaan Oo Sheegay In Aanay Rabin Inay Awood Ciidan Ku Qabsadaan Dalka Afghanistan.

focus

Ururka Dagaalka Ku Caanbaxay Ee Talibaan Oo Sheegay In Aanay Rabin Inay Awood Ciidan Ku Qabsadaan Dalka Afghanistan.


(SLT-Kabul) Seekh Maxamed Cabbas, oo ka mid ah saraakiisha Ururka Talibaan ee wadahadalada la yeeshay dhawaan dowladda Maraykanka ayaa BBC u sheegay in ururka aysan dooneyn in awood militari ay kula wareegaan guud ahaan dalka Afqanistaan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in ururka Taaliban aysan gaareynin wax xabad joojin ah ilaa inta ay ciidamada shisheeye dalka ka baxayaan .

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in Taalibaan ay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dadka rayidka ah soo gaara marka loo eego kooxaha kale ee dalkaasi ka dagaalama .

Mr Stanikzai, oo ilaa hadda ah madaxa siyaasada ,Talibaan oo fadhigiisu yahay dalka Qadar ayaa sheegay in Ururku uu khibrad u leeyahay harddanka awoodda dalkaasi , sidoo kale ay oo soo dagaalamayeen tan iyo sannadkii 1990- kii, balse hadda ay ka door bideen in xal nabadeed lagu raadiyo miiska wadahadalka.

Waxaa uu muujiyay in laga hor tagi karo isku dhacyada lana gaari karo xal iyo jawi nabadeed oo ku saleysan is faham.

Labada dhinaca ayaa isku haya arrimo dhowr ah hase ahaatee dowladda Mareykanka ayaa muujisay in ay ka go’antahay in ay soo afjarto colaadda 17- jirstay ee u dhaxeeysa dowladda Afqanistaan iyo Taalibaan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top