Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Donald Trump Oo Jeediyey Khudbaddii Sanadlaha Ahayd Iyo Arrimaha Uu Kaga Hadlay

focus

Madaxweyne Donald Trump Oo Jeediyey Khudbaddii Sanadlaha Ahayd Iyo Arrimaha Uu Kaga Hadlay

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraynkanka D. Trump ayaa habeenkii Talaadada jeediyey khudbaddii “State of the Union” ee sanadlaha ahayd ee marba madaxweyne xilka hayaa uu dadka Maraykanka u jeediyey, taas oo uu kaga hadlo xaaladda dalka.

Khubaddiisa waxa uu si gaar ah ka hadlay dhaqaalaha, arrimaha socdaalka, qodobka muranku ka taagan yahay ee darbi laga dhiso xuduudda Maraykanka iyo Mexico iyo qodobo arrimaha diebadda khuseeya sida sababta maamulkiisu u taageerayo hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela.

Munaasabadaasi waxaa goob joog ka ahaa mudanayaasha labada Aqal ee Congaresska iyo Senateka dalkaasi,waxaana madaxweynaha Mareykanka uu ku booriayay in ay go’aan ka gaaraan howlaha dowladda horyaala sidii loo xalin lahaa muranka siyaasadeed ee taagan iyo sidii loo sugi lahaa ammaanka dalkaasi,isagoo ula jeedo dhismaha derbiga xadka Mexcico iyo Mareykanka.

Qaar kamid ah siyaasiin u muuqday in ay ku aragtio ahaayeen madaxweyne Trump oo hadal jeediyay ayaa in badan ku taageeray dadaalka uu wado madaxweynaha,gaar ahaan xakamaynta soo galootiga,balse waxaa jiray kuwo kale oo siweyn u lafa guray dhibaatada bani’aadanimo ee ka dhalankarta,waxaana jira qoysas badan oo ku dhec lumay xuduudda caruur iyo waalidiintooda.

Dhismaha derbiga xadka ay wadaagaan Mareykanka iyo Mexico ayaa qeyb weyn ka qaatay khilaafka siyaasadeed hay’adaha dowladda Mareykanka,kuwaasi oo sababay in ay hakad galaan howlihii shaqo ee dowladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top