Awr leyli ahi biyo kashii ku jira buu ka didaaye, oo wuxuun baw babadda bayrtii uu lahaaye. waxa jira dad noocaas u abuuran, oo babiso looga ridaa, meel aanay belo-ba joogin, oo iyaku isi sii waala, dabeed baqdin uun bal ka qaadda, ilayn waa wax uu isagu isku abuurayee, sidda askariga la yidhaaho raggii ma adigaa ka hadhay, oo aad moodid xuunshaddii madoobayd, ee keligeed weerka cad xidhnayd, isagoo cid la dagaala-maysa ama dilay-saana aanay jirin. Akhristaw askarigan fuq cir u taagna, wuxu cagi-hiisa ku doontaa rebshed oo dhan. Bal wax lana tusye, Maalintii isniintii oo ay taariikh-du ahayd 04/02/2019, waxay ku beegnayd 28 guuraddii,
uu askarigu ku xasuuqay gobolka Awdal dad ka soo jeedda, oo aan wax-ba u geysan ( Gaar ahaan Dila iyo Boorame), dad maato ah oo gaadhaaya in ka badan 700 oo qof. Taariikh-daas madaw iyo dhagarta intaa leeg, shicibkii uu ka galay, baa dhalin-yaro xusaysaa, oo iyaka oo aan wax dhibaato ah samaynayn, yidhi qu’raan iyo duco baanu u akhiri-yeynaa, baa habeenkii xalay ahaa inta uu ku soo guday, badhisaab ku ab-tirsadda jeegaanta dalka, uu mid kaste kala baxay guriggii, jeel-kana uu dhigay, ilaa imikana ay xidhan yihiin, ee sidaasi ma xaq baa? maxayse geysteen? Micnuhu maaha, wax bay dadka xasuusina-yaan, ee waa cadaawad guun ah, oo meel kale ka socota iyo rebshed abuurid uu raadinaayo, waase uu heli doonaa. wakhti ay noqoto-ba.
Aduun-yadda waaya-heedda ninkii ogi ma adya-doodo, horaa-se loo yidhi, Raga ciil kama kore iyo calooshiisa la ciyaar baa u darane, ee doqon waa doqon, waxana iskama bedelaan inta uu nool yahay, sidda kan uu sare ku qoran yahay magaciisu. is dhawrna is odhan maayo, godob hore baa lagaa tirsanayaa oo is dhuub, ee waaliddii hore buu weli ku sii indho cad yahay, saw xaalku maaha markaas ” Dameertu geela ha iga didisee, weliba way ii sii qururuf leedahay”, Isma oga agaan iyo ninkii aaba-hood dalaye” Askariga meesha siddii islaan hinaastay isu qaawiyey, ee malkha-badda hawadda ka lulayaa, waa kaynu ogayn uun, ilayn dhalasho lama doorsho, oo waano dhalan baa ka adage, maalin-ba ta ka dambaysa buu dhooqadda isku sii mulaaqayaa, kuwa durbaanka u tumayaana, waa wax ka sii liita, oo aan xuusnshadda xaarka uga kicin, ee aan bal eegno halkay la gaadho iyo waxay ku dambayso, nabarka uu sii damqayo cisho kaste oo alle keeno-ba.
Haduu wanaag rabo iyo maslaxo ( Uma jeedo’e), kii iska jeedin lahaa buu noqon lahaa, ee dhanka wacan ka eegi lahaa, ilawsiin lahaa waxay tirsana-yaan, mase laha maskax-daas iyo garasha-daas. Askari-waa-askari uun, oo xoog baa wax lagu muquuniyaa, mooyee dareen kale ma laha, kanina waa kii ugu sii liitay, aduun-yadda intaan dul joogay, ee aan askari uun arkaayey, ma arak kanoo kale, caqli ma leh, xihood-na kala tage, cuqdadina way ugu sii biirtay, kalsoonina umaba dhalan, oo wuxu yahay baaba iska yar, hora aloo yidhi “Dameer dambaa-bidho ma daayo, diina gurguursho waw dhaqan”, ee nin-kani sidiisa buu cudur ummadda lagu soo dhex tuuray uu u yahay, wax uu sii kala fogeeyo mooyee, cidi usgageed oo waanaag ah ma laha, looga-mana fadhiyo. Waxan ku soo xidhay, kani dawo kale ma laha, cadka uu yaqanaa, waa iska kay celi iyo qaniinyo baa qaniinyo kaa goysa. sidaas awgeed, waa in ummadda reer Somaliland ay si toos ah u taageertaa Reer Awdal, ee khaladka lagula kacay, welina lagu sii wado.
N.B Ragga Ciill Kama Kore Iyo Calooshiisa La Ciyaar Baa U Liita.