Connect with us

somalilandtoday.com

Wadaadow Hays Qoyn.

Articles

Wadaadow Hays Qoyn.

Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beribaa waxaa la yidhi qoys reer miyi ah ayaa damcay in uu ducaysto , dabeeto wadaad reeraha u akhriya mawliidka ayay dooneen in uu reerka munaaqibka u akhriyo , ka dibna wadaadkii bay cid u direen , hadii la tagay rugtii wadaadkana waxaa loo sheegay inuu safar ku maqan yahay oo aanu joogin.

Reerkii hadii lagu soo noqdayna waxaa loo sheegay in wadaadkii maqan yahay ,ka ka dibna wadaad

kale ayay doonteen , wadaaudkii cusbaa ee loo yeedhayna wuu yimi .
Markii xoolihii la qalay , wadaadkiina kutubtii furtay , ayuu wadaadki damcay in uu salaad u waysaysto , isagoo waysadii diyaarsanaya ayaana wadaadkii reeraha mawliidka u akhriyi jirey la arkay isagoo soo socda , oo i ntuu warkii gaadhay soo garoobay .
Markii xoolihii la qalay , wadaadkiina kutubtii furtay , ayuu wadaadki damcay in uu salaad u waysaystao , isagoo waysadii diyaarsanaya ayaana wadaadkii reeraha mawliidka u akhriyi jirey la arkay isagoo soo socda , oo intuu warkii gaadhay soo garoobay .
Reerka iyo wadaadku ilayn xidhiidh bay lahaayeen socodkiisa way ku farxeen , in wadaadkii cusbaa ee loo yeedhay ay iska fasaxaana way goosteen , laakiin waxaa ku adkaatay sidii loogu sheegi lahaa , dabeeto nin reerka martidiisa ka mida baa yidhi anaa u sheegayee igu daaya , markaasuu intuu wadaadkii oo waysadii bilaabaya u tagay ku yidhi aw hebeloow wadaadkii reerka mawliidka u akhriyi jirey baa yimiye ha is qoyn , aw hebeloow ha is qoyn .
imika waa halkaase , maxamuud xaashi oo baryahan lalahaa waxbuu doonayaa , waxaynu leenahay , aw hebeloow ha is aqoon meeshu way daymaysan tahaye .

W/Q Axmed Nuur Guruje

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top