Bello ku degtay, waxay ciiriyo, midab cawlaan, casar galabeed, carca-reef socod, cidhbaa orodkii, ay ku carar-taba, sidda ciyaw-ggii, camal xumidiis, cidna weheshanin, cabaad ka wadhoo, cidla ban-jartoo, oo curyaan-nimo, cagaagna u raac, cago yaw noqon, haday is cuntoo, carrab iyo cirid, is calaashatay, cilad-dooddii, cuudkay lumiyeen, wixii la cunaa, cadceedoon dhicin, wax cunaha maray, culaaftii shalay, cadaan loo sheeg, haday cabatoo, cudurkii helay, caqli xumiddii, can-can-tuuggii, cad la waayoo, caanii la qubiyo, caymarkii hilib, laysku caayoo, khasnad camirayd, hebel baa cunay, hadba dhan u carar, canteen ma hayee, yaan u cawdaa, la calaacale, cawo darantaa, caways ugu dhacay, yaa u ciidamin? Intaasi waa hor dhaciiye. Akhristaw, Haddii taladda.
cishadda loo og-yahay, cidina yeelaynin, asay cidhii-dhiga gashoo col iyo qaaq gaadho, ceeb weeye, geelaw ninkii soo calaacalaye. Ayaxan inagu habsaday, ee xataa aan ilkaha wax calaalin, ee laba-lib-qinaaya hantiddii ummadda, si aan loogu soo gaadhin, tallo-na hore u qaadan waayey, wixii loo sheegaayey dhegaha ka xidhay, ee dhabarka inoo jeediyey, siddii geel intuu dhane soo cabay, oo dabo iyo dacal duudka simay, sidisii oo kale, markay dibiradu daafaha ay kelyaha la dhaaftay, ee haantii lacagta ( waa khsana-diiye) la foorariyey ee gunta la soo taabtay, bay hada mid-ba-mid farta ku fiiqayaa, hebel baa deyn igaga tegay iyo aniga maahee isaga baa ku takri falay, baa hadeer la isku ahystaaye, yaa u gara qaadi doona macaan jeceshii. way ka dhabaqsan tahaye.
Duul-kani kal xishoodda ma laha, oo hunguri ma yaqaan, waxaasi waa ceeb ilaa la jaro’e, maamulkii askartu shalay baa huu-haaddii ay dhura-yeen, uu soo dabar go’ay, oo ay iska hor iyo daba yimaadeen, is qabsadeen, oo weliba ay sanka isla galeen, ilaa imikana ay isku jiq yihiin, wiish la sare kacay, tallo faro ka haaday, isku meerey-satay siddii oday geelii ba’ay, dhaxaa la lahaa waar sidaa ka daaya kuma dhashee, oo ummadan aan dheg loo jalaq-siin, ee ay askariga la yidhaaho Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximani ( Ina Kaahin), ee gaar ula baxeen boob iyo fadha-taysi. Yaan idinku raajin halka I heemaysee. Kii lagu xil qarsan jirey, ee kolba halkay ka shidan tahay ama qoyan ee wax lagu cunayao loo dhiiban jirey, kaas oo iska soo daba maray, Wasaarado ku sheega Qorshaynta, Arimaha debedda iyo waxay yidhaahaan Iskaashiga caalamiga ah, imikana dhaqaalaha loo dhiibtay in uu askariga u ururyo, baa shalayto ay caleen-tiisii cadaatay, oo markii la soo murdiyey khasnaddii, isla soo taagay wax-ba ma hayee, maxaan wax ku maamulaa, inta ku soo dhacda-ba keen baa la I leeyahaye. Waxay kolba jar isku qaado-ba, naqai dabadda ka sii dayso-ba, siddii baabuur uu igsooskii ka dalooshamay, hadaa la isla oog-saday, oo ay runtii banaanka timi ( Waxan Leeyahay Alxamduli-laah yaa rab) hadaad xaga samadda ka kashiftay budh-caddhii noo heshiisay. hadaa qolo-ba-qolo ay ku riix-riixayaan, anaka ma ay ahayn mushki-ladu iyo iyaka bay ahaayeen, fartu diidaye ma fulaa dhaqay.
Sireey soo caad oo sadexda ha gaadhin, baa ruux la khiyaameeyey, isaga oo illaahy baryaaye uu ku ducaystaye, hor illaahay baa laga soo aqabalay baryadddii shicibkan ay yuug-iyo-yamaayuug u tashadeen. Wuxu yidhi ninka Khasanadda hayaa ( Sacad Cali Shire), waxanu la dhacdha-caynaa $80 Milyan oo doolar, oo ay nagaga tageen, maamulkii siilaanyo, oo uu isaga laf-tiisu uu hormood ka ahaa ( Bal yaabe), taas oo aan la ogayn meel ay ka sooo baxday, lacagta intaas le’egi, hore-na aan loo shaacin, markii maamulkii siilaanyo uu wareeji-naayey, ee uu askari-gani ka fara-maroojiyey, Ilayn nin iska buka buu ahaaye, siilaanyo oo bed-qaba, cayn-kaas askari kuma sameeyeene. Arin-taas oo haba-yaraatee been ah, aanay wax-ba ka jirin, laakiin hamuuntii lala galay hantiddii ummadda, siddii dhurwaa neef bakhtiyey ku soo baxay, oo yidhi tanba miyaan filaayey? Waa maxay barwaaqo soorankan aad mar qudha uun daf u soo tidhi? Humaaggii shicibka lagu khawysiin jirey baa isi soo gabaye. Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Siilaanyo, Marwo ZAmZam Abdi Aadan, oo ah tii gole loo dhan yahay ku wareejisay khasanadda, si cad-na loogala wareegay, baa ka daba-qaadatay, oo tidhi waxa ay sheegayaan maamulka askartu waa “hal bacaad lagu lisay” waxana kama jiraan, waxay u xisaabisay beysteyn-beysteyn, oo ay tidhi ma jiraan deyn aanu kaag tagnay, ee ha is waydii-yeen, halka xoolihii ummadda la mariyey, oo ha ka warameen? Waxay gaadhay heer ay isku sheeg-sheegaan, hebel baa cunay iyo heblaayaa mas ii dhiibtay, ee maantana maxay odhan saw ” Ceebeey Tacaal Maaha” Maxay kaloo inoo sheegi doonaan?, beentii la isku soo gaadhye, oo saaka meel ay ka baxdo bay la’dahay, xaadhaddii la laba-gacmoodi-naayey, baa siniina laga la’yahay, oo askartii safarad baa laabtu la qayli-naysaa maanta, ee caloolaa ba’ay maxaa lagu guri.