Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Dilkii Gudaha Dekedda Boosaaso Loogu Geystay Maamulihii Shirkadda DP World

focus

Madaxweynaha Puntland Oo Ka Hadlay Dilkii Gudaha Dekedda Boosaaso Loogu Geystay Maamulihii Shirkadda DP World

(SLT-Boosaaso)-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdillaahi Deni ayaa ka hadlay dilkii saaka nin hubeysan uu gudaha Dekeda Boosaaso ugu geystay Madaxii Shirkadda P&O ee DP World oo gacanta ku heysay maamulka Dekeda Boosaaso.

Saciid Deni ayaa ka tacsiyadeeyay dilkaas loo geystay Paul Anthony Fermosa oo u dhashay dalka Malta, waxaana uu amray Laamaha amniga ee Puntland inay heegan sare ah galaan, si looga hortago weerarada cadawga maleegayo.

“Falkan waa mid argagixiso ah oo lagu waxyeeleynayo sharafka shacabka Puntland iyo dowladoodaba”ayuu yidhi Madaxweyne Saciid Deni oo bishii hore xilka loo doortay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka loo geystay Madaxa DP World ee Dekeda Boosaaso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top