(SLT-Muqdisho)-Xafiiska xeer-ilaalinta ee Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa si toos ah u sheegay in ay jiraan hub ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo si qarsoodi ah loogu iibiyo suuqyada magaalada Muqdisho.
Gaashaanle Sare Cabdillaahi Buule Kamey oo ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ciidamada ayaa sheegay in kiiska ugu badan ee la soo gaadhsiiyay maxkamaddu yihiin fal danbiyeeydo sida uu hadalka u dhigay lagu galo hubka ciidamada dowladda Soomaaliya
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa inta badan hubkii loogu tala galay in ay dadka iyo dalka ku difaacaan waxaa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka, waxaa sidoo kale hubka ciidanka uu noqday mid si caadi ah loogu iibiyo suuqyada Muqdisho.
“Waxaa jira kiisaska la horkeeno Maxkamadda Ciidamada intooda badan hubka dambiyada lagu galo ay yihiin hubka ciidamada qalabka sida oo leh shaabaddii iyo astaanti ciidamada, si qarsoodi ahna loogu iibiyo suuqyada sharci darada ee loo yaqaanno Cir-toogte”ayuu yidhi Gaashaanle sare Cabdillaahi Buule.
Sidoo kale, maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taliyayaasha qeybaha kala duwan ee ciidamada in ayna wax tallaabo ah ka qaadi Askarta ay xukumaan ee fal-danbiyeedyada kala duwan ka gala Shacabka, taasoo keentay wada shaqeyn xumo soo kala dhaxgasha maxkamadda iyo saraakiisha ciidamada.
Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa marar badan oo hore lagu eedeeyay in ayna xakameyn karin hubkeeda oo siyaabo kala duwan loogu iib-geeyo suuqyada Muqdisho iyo kooxaha ka soo horjeeda dowladda gaar ahaan Al-shabaab.
Hadalkan Gaashaanlahan ayaa imanaya laba Toddobaad uun ka dib, markii Dawladda Qadar ay Dawladda Soomaaliya ku caawisay Tobanaan Gaadiidka gaashaaman ee Dagaalka ah, gaadiidkaasi oo toddobaad ka dibba ay Al-shabaab mid ka mid ah ku qabsatay dagaal ay la gashay Ciidammada Dawladda.
Dawladda Somaliland ayaa dhowr jeer sheegtay in Hubka iyo Saanadda Ciidan ee Dawladaha Shisheeye siiyaan Dawladda Soomaaliya uu khatar ku yahay Amniga Gobolka Geeska Afrika, maaddaama oo ay Dawladda Soomaaliya awood u lahayn inay si sax ah u maamusho Hubka la siiyo.
Soomaaliya waxa saaran Cunaqabatayn dhanka Hubka ah oo Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ku soo rogtay, laakiin Dawladaha Shisheeye ee Qadar ka mid tahay ayaa si qarsoodi ah iyo si toos ahba u siiya Hub iyo Saanad Ciidan.